Angela Merkel Oo Dalbatay Sharciyo Lagu Mustaafin Karo Soogalootiga Danbiyo Gala

Jarmalka(SLpost)-Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa soo jeedisay in isbeddel adag lagu sameeyo sharciyada dadka soo galootiga ah ee Jarmalka ku nool.

Waxey soo jeedisay in la helo sharciyo fududeynaya in la masaafuriyo dadkaas haddii ay dambiyada ka geystaan gudaha Jarmalka.

B0B0972F-6A09-4571-BE92-1AA970C586A3_w640_r1_s

Arrintan ayey kaga jawaabeysay, fara xumeyn loo geystay dumar xafladeynayay habeenkii sanadka cusub magaalada Cologne.