Angel Di Maria oo la xaqiijiyey inuu ka Maqnaanay inta Tartanka Koobka Adduunka ka hadhay

Argentina iyo Holland oo Semi-Final ka isku Ballansan

SPORTS (SLpost)- Xiddiga Xulka Argentina iyo Kooxda Real Madrid ayaa la xaqiijiyey inuu ka maqnaan doono kulamada xulkiisu uga hadhsan tartanka Koobka adduunka, ka dib markii dhaawac soo gaadhay kulankii caawa dhexmaray xulka dalka Belgium oo ku dhammaaday 1-0 guushu ku raacday xulka Argentina.

Weeraryahanka dhinaca baasha Midig uga ciyaara Kooxda Real Madrid ayaa ciyaarta caawa ku jiray 33 daqiiqo oo kaliya kulankii ka dhacay Brasilia caawa ka hor intii aanu dhaawacmin.

Di MariaWakiilka Ciyaartoyga Eugenio Lopez, ayaa u sheegay Goal.com in ciyaar yahankan 26-jirka ahi uu u sheegay inuu dhaawac culus ka soo gaadhay muruqa Misigta, taas oo micnaheedu yahay inuu ka maqnaanayo inta ka hadhsan tartanka Koobka adduunka.

Xulka Argentina, ayaa Axadda soo socota ee todobaadka dambe Semi-Finalka tartanka waajahaya xulka Netherlands oo caawa gegida Sao Paulo rikoodhayaal kaga badiyey xulka Costa Rica.

Baadhitaanno dheeraad ah ayaa la filayaa in maalinta Berri ah lagu sameeyo dhaawaca ciyaartoyga oo la filayo in dhakhaatiirka xulku ay xaqiijiyaan warka la xidhiidha dhaawaciisa.

Maqnaanshaha ciyaartoygan oo ciyaar wacan soo bandhigay intii uu socday tartanka Koobka Adduunka, ayaa dhaawac weyn ku ah xulkiisa oo marka horeba ku tiirsanaa xiddiggooda Lionel Messi.

Tabobaraha xulka Argentina, Alejandro Sabella, ayaa markii ay ciyaartu dhammaatay ka hadlay dhaawaca soo gaadhay ciyaartoygiisa.

“Dhaawaca Di Maria si weyn buu noo saamayn doonaa. Waxa uu ka dhaawacan yahay Misigta, Berrina waxa lagu samayn doonaa,” sidaas ayuu yidhi tabobare Sabella.

SOMALILANDPOST.NET