“Anagu wax aanu saxno mooye waxa aanu ka hornimaadnaa ma jirto, waxa aanu wadnaa waa toosin iyo wax wanaajin uun, wixii aanu ka hornimaadnaana waa wixii dumin ah iyo…” – Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti Wasiirro ah oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta Dalka Turkiga u kicitimay marti-qaad rasmi ah oo oo uu ka helay madaxda dalka Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa weftigiisa xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgesha Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,     Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Wariye Zaki Daahir Xasan oo mid ah hawl-wadeennada Telefishanka Qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo oo intii aanu madaarka Hargeysa ka duulin war-fidiyeennada kula hadlay qolka nasashada ee Egal International Airport, waxa uu sheegay in isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ay u ambabaxayaan Dalka Turkiga oo ay  martiqaad rasmi ah ka heleen madaxda dalkaasi, kuwaas oo ay ka  wada hadli doonaan danaha ka dhexeeya labada dal iyo wixii masaalix ah.

IMG_0414Madaxweynaha oo ka hadlayey ujeeddada socdaalkiisa, waxa uu yidhi, “Insha allaahu tacaala waxa aanu rajaynaynaa in aanu halkaasi kala kulano soo dhawayn wanaagsan iyo martiqaad wanaagsan iyo wixii daneheena ah ee ay maslaxadi inoogu wada jirto in aanu ka wada hadalno ayaan ka rajaynayaa.

Wadankaas waxa inaga wada dhexeeya dano taariikhiya, mucaawimooyin badan ayaynu ka helnaa wax yaalo badan oo ay ka mid yihiin macdan baadhis ayaa ka mid ah waana waxyaalaha aanu ka soo wada hadli doono insha Allaa,” ayuu yidhi Madaxweynuhu

IMG_0419Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo hadalo had iyo jeer ka soo yeedha Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya taas oo uu ku tilmaamo in wada hadalo na dhex mari-doonaan in aanu nahay dal kala maqan oo isu soo noqon doona.”

IMG_0671Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka jawaabay hadallo dhawaan ka soo yeedhay dawladda Somalia, waxaanu yidhi, “Waxa aan rabaa in aan halkan ka caddeeyo oo aanan marnaba ka xiiqayn in aanu cadayno hadii la wada hadlo iyo hadii aan la wada hadalba inay tahay dal madaxbanaan oo aan madaxbanaanidiisa marnaba laga noqonayn oo aan caadifad ku dhisnayn ee ay tahay mid ummaddeeda iyo dadkeedu ku tashaday wixii soo marayna ay ogaayeen oo ay tahay mid muqadas ah gooni isu taaga Somaliland.

IMG_0571Wixii wada hadal ah iyo wixii masaalax ah iyo wixii is afgarad ah waxa allaale wax aanu ka qabnaa ma jirto laakin maaha mid aanu marnaba uga tanaasulayno  in aanu marwalbana cadayno in aanay arrintaasi caadifad ku dhisnayn.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidh, “Insha allaa waxa aanu rajaynaynaa in aanu safarkan guul kala soo noqono waayow aa dal wax badan oo wanaagsani naga dhexeeyaan waa dal ay taariikhi inaga dhaxayso oo wax wada qabsi inaga dhexeeyo waxa aanu rajaynaynaa in wax wanaagsan oo labada dalba u wanaagsan aanu ku soo wada hadalno ayaanu rajaynaynaa.”

IMG_0764Intaas ka dib, waxa ay war-fidiyeennadu madaxweynaha weydiiyeen su’aallo la xidhiidha socdaalkiisa iyo hanaanka maamul ee xukuumaddiisa.

IMG_0536Madaxweyne Siilaayo oo la weydiiyey haddii socdaalkiisu la xidhiidho wada-hadallada Somalia ee dhawaan la filayo inay ka bilaabmaan dalka Turkiga, waxa uu sheegay inaanu socdaalkiisa Turkigu wax xidhiidh ah la lahayn wada-hadallada u socda labada waddan ee Somaliland iyo Somalia. “Anaga wada hadalka halkaasi la nooga yeedhay kuma saabsana waxa wada hadal ah oo labadayada dal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, mana ah mid aanu tegayno oo aanu u socono hada taasi balse waa mid labadayada Dal ee turkiga iyo Somaliland u gaar ah tan aanu hada u soconaa,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.

IMG_0578Dr Siilaanyo oo wax laga weydiiyey dhaqamada xukuumaddiisu kula kacdo axsaabta mucaaradka ah iyo farqiga u dhexeeya dhaliilihii Kulmiye u jeedin jiray Xukuumaddii Rayaale, waxa uu ku dooday, “Anagu wax aanu saxno mooye waxa aanu ka hornimaadnaa ma jirto waxa aanu wadnaa waa toosin iyo wax wanaajin uun, wixii aanu ka hornimaadnaana waa wixii dumin ah iyo wixii dhibaato u horseedaya ee dalka waanu ka hornimaadnaa oo aanan ogolayna, balse wixii dalka wax u taraya ee wax ku kordhinaya taalo haday tahay ra’yi hadday tahay waanu soo dhawaynaa shacbiga iyo ummadda Somaliland waanu wada soconaa waanagaa wada shaqaynayna meelwalbana waxaanu ka qabanay mashaariicdii aanu meel walba ka fulinay ayaa markhaati ka ah iyo horumarka dalku samaynaayo insha allaahu tacaala taasina hore ayeynu ugu sii talaabsan doonaa inaga oo shacab iyo dawladba wada jirna.”

SOMALILNADPOST.NET