“Anagu haddii aanu nahay Umada Somaliland Marnaba Dagaal horseed ka noqon mayno balse Waa Waajib Qaran in…” Taliyihii Hore ee Ciidanka Qaranka Gen. Jidhif oo farriin u diray Puntland

Jidhif taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka

Jidhif taliyihii hore ee Ciidanka QarankaHargeysa (SLpost)- Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Somaliland Gen-Maxamed Xassan C/laahi “Jidhif” Ayaa Munaasibada Ciidal Adxada Awgeed Dhamaan Umada Muslimka Ah gaar Ahaan Shacabka iyo Ciidamada Qaranka Somaliland Hanbayo u Diray Waxaanu Ilahay Uga Baryey inuu Bishan Bisheeda Sanadkan Sanadkiisa Ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo Caafimaad qab iyo Cimri Dherer.

Dhanka Kale General Maxamed Xassan C/laahi Jidhif Oo Fariin kulul u Diray maamulka Somalia gaar ahaan maleeshiyadka puthland ee Daandaansiga Qaawan Ka Wadda Deeganada Tukaraq oo ay Ku Noolyihiin Shacabkii reer Somaliland Difaac adagna ay kagaga Jiraan Ciidamada Qaranka Somaliland Ayaa Sheegay In Dawlada Somaliland aaney Marnaba Diyaar u Ahayn Dagaal uu ku Daato Dhiig iyo Dhibaato loo gaysto Shacabka Ku Nool Deegaankaasi. Waxaanu Jananka oo Arrintaasi ka hadlayaa Yidhi Sidan:-“Guud Ahaan Waxaan Hanbalyo Balaadhan u Dirayaa Munaasibada Ciida Dhammaanba Shacabka Muslimka ah gaar ahaan Shacabka reer Somaliland iyo ciidmadiisa qaranka meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

Waxaan halkan Fariin kooban uga dirayaa Maamulka Somalia iyo maleeshiyaadka kasoo Hanjabaya garoowe Waxan Leehay walaalayaal dagaal Wiilbaa Ku dhintee Wiil kuma Dhasho, Anagu haddii aanu nahay Umada Somaliland Marnaba Dagaal horseed ka noqon mayno balse Waa Waajib Qaran in Ciidamada Qaranku Dalkooda Difaacaan iskana Celiyaan Cadowga kusoo Duula ee doonaya inuu Dalka iyo Shacabkiisa Dhibaato Gaadhsiiyo, marwalba Dawlada Somaliland Sidii uu madaxweynaha Qaranku hore u Sheegay Muuse biixi Cabdi Waxaa Somaliland Ka Go’an Wadahadal kasta oo ay Ka dhalan karto nabad iyo Wada noolaansho Xasiloon oo aan cidna lagu faro galin Danaheeda gaarka balse haddii la dacal maro dariswanaag Ku Qotoma Wada Noolaanshaha Waxan leeyahay “It Depends Which Door You Open” Waxay Ku Xidhan Tahay Hadba Albaabka Aad Furtaan Haddii Albaabka Nabada aad Furtaana Diyaarbaanu u nahay, haddiise Dagaalka Aad Ku baaqaysaan uu noqdo mid Aad Furtaana Diyaar ayaanu u nahay.

Waxaa layaab leh oo Aan Loo Dul Qaadan Karin in Niman Masuuliyiin Sheeganayaa Maalinwalba Ku goodiyaan Inay Soo qaadayaan Dagaal, Shacabka maatida ahna ay horseed ugu noqdaan dhiirigalinta dhibaato iyaga soo gaadha halkii ay ahayd inay ka fikiraan sidii loo horumarin lahaa bulshadan dhibaatooyinka badani Dariska la yihiin.

Waxan Kusoo koobayaa hadalkayga ama fariintantaydan, Tuduc Kamida Alle Ha u naxariistee Gabaygii Maandeeq ee Abwaan C.laahi suldaan Timacade.

“Garaad Midan Lahaynbay La Tahay Waad Ka Gaagixine”

“Annagoon Gantaalaha Dhiciyo Haysan Qori Gaaban”

“Hashaan Gaadaweynow Libaax uga gayoon Waayey”

“Inaan Gorayocawl uga Tagaa Waa hal Soo Gudhaye”

Shacabka Somaliland u Dul Qaadan Maayaan Daandaasiga Iyo Hadalada Deel-Qaafka Ah.

Maxamed Xassan C/laahi Jidhif Taliyihii hore Ciidamada Qaranka Somalilland Ayaa Fariintiisan oo isugu jirtay Hanbalyo iyo Dardaaran Ku Qotoma Dhinaca Nabada iyo Wada noolaanshaha Kusoo Kooban Intaasi.

 

Hargeisa Somaliland