“Amniga iyo Anshaxa Ha la Ilaaliyo, Ruux Wanaagsan Ha Lagu Ciyaaro Hana Lagu walaaloobo” Gudida wanaag farista iyo Xumaan reebista

 

Hargeysa(SLpost)-Gudida Wanaag farista iyo xumaan reebista oo kulan ay saxaafadda ugu waramayaan Hargeysa ku qabtay ayaa ka waramayey ilaalinta amniga iyo anshaxa inta lagu gudajiro ciyaaraha koobka gobolada Somaliland iyo arrimo kale oo anshaxa bulshada ku taxaluqa.

 

“Waxa aannu ka codsanaynaa in lagu dadaalo amniga iyo anshaxa, ruux wanaagsan ha lagu ciyaaro hana lagu walaaloobo. Daawadayaasha, taageerayaasha iyo dadweynaha waxa aan ka codsanayaa in ay ilaaliyaan akhlaaqda islaamka. Salaadda Jimcaha waxa aannu leennahay ha laga hadlo waaqica dalka ka dhacaya hanna la wacyigaliyo bulshada” Ayuu yidhi guddoomiyaha gudida wanaag farista iyo xummaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Gudoomiye xigeenka gudida wanaag farista iyo xummaan reebista Sheekh Cawil Xuseen Cali ayaa ugu horayn u mahadnaqay taliyaha ciidanka Booliska JSL, kuna bogaadiyey sida uu ilaalinta amniga uga hawlgaliyo iyo sida uu bacaha gawaadhida lagu madoobeeyo u amray in laga jaro, waxaaanna uu bulshada ugu baaqay in ay bacahaa ka jaraan baabuurta. Sheekhu isaga oo hawshaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jiray jananka bilaysku in uu soo jeediyay in gawaadhida muraayadaha madaw ee lagu qariyo laga xayuubiyo, aad iyo aad baannu ugu hambalyeynaynaa taliyaha talaabadaas dadweynahana waxa aan ka codsanaynaa in ay awaamiirtaa fuliyaan”.

 

Afhayeenka gudida Sheekh Daa’uud ayaa isaguna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in salaadda jimcaha lagaga hadlo hadba waaqica dalka iyo halka wax marayaan. Waxaaanna uu xusay wacyigelinta bulshadu in ay waajib ku tahay wadaadada iyo sheekhyada masaajiddada ka wacdinaya dadka.

 

Somalilandpost Office, 2015