Amnesty International Oo Xukuumada Kenya Uga Digtay Celinta Qaxoontiga Dhadhaab

Amensty International LogoNairobi. (SLP)- Hay’adda Amnesty International ayaa go’aankii ay Kenya ku dhawaaqday ee ahaa in 350,000 oo qaxoonti Soomaaliyeed ah dib loogu celiyo gudaha Soomaaliya ay tahay mid xad-gudub ku ah sharciyadda caalamiga ah ee qaxoontiga.

Xeryaha Dhadhaab ayaa ah xeryaha qaxoontiga kuwa ugu weyn caalamka, iyagoo ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya qiyaastiina u jirta 100-km magaalada Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay 148-qof, kaasoo mas’uuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay.

“Weerarka Gaarisa ka dib dawladda Kenya xaq ayay u leedahay inay go’aansato in amniga shacabkeeda ay ilaaliso, laakiinse taasi maaha in qaxoontigii ammaanka u soo raadsaday dalkooda ay khatartii ay kasoo carareen ku celiyaan,” sidaas waxaa yidhi wakiilka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika iyo Harooyinka waa-weyn, Muthoni Wanyeki.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa 11-kii bishan April sheegay inay ku wargeliyeen hay’adda qanxootiga adduunka ee UNHCR inay dib ugu celiso qaxoontiga ku jira xeryaha Dhadhaab gudaha Soomaaliya, haddii kale ay iyagu u rarayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaan ka talin deegaanno badan oo koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya ku yaalla, goobahaasoo ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dhibaatadu ay kasoo gaadho dadka shacabka ah. Waana mid sharciyada Caalamka u yaalla ee ilaalinta qaxoontiga ku noqonaysa xadgudub, haddii qaxoontiga Dhadhaab ku nool dib loogu celiyo deegaannada aan xasilloonayn oo ay ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah aadamaha.

“Sida ku cad shuruucda caalamiga ah, dalalka dunida waxaa ka mamnuuc ah inay si qasab ah qaxoontiga ugu celiyaan deegaanno halisi ay ka jirto oo ay ka dhacaan xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha. Kenya waxay ka mid tahay waddamadii saxeexay heshiiska caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda Aadamaha; waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso heshiisyada ay wax ka saxeexday,” ayuu mar kale yidhi Muthoni Wanyeki.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Kenya go’aansatay in qaxoontiga Dhadhaab ku jira ay dib ugu celiso Soomaaliya. Bishii November 2013 ayay dawladdaha Soomaaliya, Kenya iyo UNCHR waxay kala saxeexdeen heshiis dhigayay in qaxoontiga Dhadhaab ciddii ogol inay dalkooda ku laabato la caawiyo, balse aan la qasbin.

“Amnesty International waxay heshay xogo ku saabsan in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab loo gaysto dhibaatooyin kala duwan, iyadoo lagu eedeynayo inay ka yihiin mas’uul amni-darrada ka jirta Kenya. Waxaanu xukuumadda Nairobi ugu baaqaynaa inay qaadato go’aan ka duwan in qaxoontiga si qasab ah waddankooda loogu celiyo, waayo tallaabada ah in qasab lagu celiyo mid wanaagsan maaha,”  ayuu Wanyeki ku sheegaay qoraalka ay hay’addu soo saartay.

Ugu dambeyn, hay’adda Amnesty International waxay dawladda Kenya ku boorrisay inay dhawrto dhamaan sharciyadda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo qaxoontiga. Isla markaana ay difaacdo qaxoontiga Soomaaliyeed oo qaarkood ay sannado badan ku noolaayeen Dhadhaab iyo dadka kale ee magan-galyo doonka oo dalkooda imanaya.

 

Somalilandpost.net