Amnesty International oo baadhitaan ka samaynaysa Suuriya iyo Mucaaradka Ruushka oo mar labaad dalbanaya doorasho

New York/Moscow, (SLpost)- Gabadha madax ka ah hayada qaramada midowday u qaabilsan xuquuqda aadamaha Navi Pillay  ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hayadeedu madaxa Suuriya ka dalbanayaan kormeeroyaal ka socda haydu in ay tagaan gudaha dalkaasi Suuriya si ay ula socdaan xaalada dalkaasi sida ay tahay.
Waxse ay hayadan oo lagu magacaabo amnesty international oo hore u sheegtay in ciidamada qaranka ee Suuriya sameynayaan dilal axmaqnimo ah , iyagooa ka qudha ka jaray in ka badan afar kun oo shicib ah oo sameynayey dibad bax silmi ah oo ay ku muujinayaan rabi taankooda , taas oo dadkaasi la dilay ay ka mid yihiin dumar iyo caruur.

Xukuumada turkiga oo dalkeeda joogaan qaxootiga u badan ee Suuriya ka soo qaxay ayaa maanta sheegtay in ayna gacamaha ka laabanayaan hadii rabshadaha iyo dilalka ka socda Suuriya ay gobolka ku soo fidaan , taas oo xil ka saaran yahay amniga dalkeeda .

Doorashooyinka Ruushka

Waddanka Ruush ayaa Dadweyne aad u faro badan ay maanta isugu soo baxay caasimada Ruushka ee Mosko iyo magaalada weyn ee Bitasbeeg iyagoo dalbanaya in mar kale la qabto doorasho baarlamaan.
Waxa kale , oo ay dadweynahaasi ku tilmaameen doorashadii baarlamaanka ee qabsoontay todobaadkii hore mid fashilantay oo si aan xor iyo cadaaladtoona ku fadhiyin u dhacday , taas oo xusbiga talada dalkaasi haya ee United Russian party uu ku shubtay .
Xusbigan uu hogamiyo Raiisal wasaaraha dalkaasi Mr. Faladamiir waxa lagu eedeynayaa in awoodii xukuumada adegsadeen , taas oo goobaha cod bixinta qaar badan loo diiday muraqibiinta xusbiyada mucaaridka iyo goob joogo yaasha caalamiga ah.
Geesta kale, waxa dibad baxan lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee ka qabsooma caasimada Ruushka ee Mosko muddo ku siman toban sanadood , hase yeeshee wax jawaab ahi kama soo bixin dhinaca xukuumada dalkaasi,inkastoo Gudida Doorashooyinka qaranka ku dhawaaqeen in doorashadu si xaq ah oo cadaalada ah u qabsoontay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net