AMISOM Oo Sheegtay In Weerar Al-shabaab Kusoo Qaaday Ay Kaga Dhinteen Tiro Askar Ah, Qaarna Kaga Dhaawacmeen

Ergayga_AU_Somalia_Maman_Sadikou_MogadishuMuqdisho, (SLP)- Taliska guud ee ciidamada AMSIOM ayaa xaqiijiyay in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab  ku qaadeen maanta kolonyo gaadiid ah oo ay ciidamadoodu wateen.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose iyo degmada Buurxakaba ee gobolka Bay. AMISOM ayaa sidoo kale ku sheegtay in Al-shabaab ay ka dhaawacday tiro kale oo ciidamadooda ka mid ah, balse laguma sheegin warka AMSIOM tiro sugan.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maman S. Sidikou ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fulaynimo ah, isagoo xusay in askartooda lagu dilay weerarka ay dhinteen iyagoo is-difaacaya.

“Weerarkan lagu qaaday ciidamada AMISOM wuxuu ka mid ahaa kuwa lagu qaado iyagoo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa isku-day ay Al-shabaab ku doonayso inay ku carqaladayso horumarka la gaadhay,” ayuu yidhi danjire Sidikou.

Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu intaas ku daray. “Dhiiga walaalaheena askarta ah ee u adeegayay shacabka Soomaaliyeed ma illoobi doonno, AMISOM-na way sii wadaysaa hawlaha nabad-ilaalinta ah ee ay ka waddo Soomaaliaya.”

Ugu dambayn, danjire Maman Sidikou wuxuu tacsi u diray qoysaskii iyo ehelladii askartii lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay Shabeellada Hoose, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad.

Mas’uuliyadda  weerarkan ayaa waxaasheegatay Kooxda Al-shabaab, iyadoo afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab uu warbaahinta u sheegay in weerarkaasi ay ku dileen shan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM, isla markaana ay ku gubeen saddex gaadhi oo kuwa dagaalka ah.

 

Somalilandpost.net