AMISOM oo ka hadashey weerarkii Buula-berde

Somalia(SLPOST)Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Salax Annadif ayaa canbaareeyey weerarkii gaadamada ahaa ee al-Shabaab ay ku qaadeen mid ka mid ah Hoteelada magaalada Buula-Barde, taas oo oo 13 Bishan March laga qabtey ururka al-Shabaab.

annadif-400x266

Annadif ayaa war-saxaafadeedkiisa ku caddeeyey in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo ciidanaka Soomaaliya weerarkaas lagu diley.

Ambassador Annadif ayaa sheegay in saacaddu markey ahayd 03AM habeenkii xalay xilliga Soomaaliya gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa lagu dhuftey albaabka hore aqal ay ciidanku degganaayeen, waxaana weerarkaas ku dhintey ciidamo ka tirsan AMISOM iyo SNA.

Ururka al-Shabaab ayaa dhankooda sheeganaya in ay dileen saraakiil sar-sare oo uu a mid yahay Sarkaalkii u sareeyey ciidanka Soomaalida ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland