AMISOM Ilaalo Ka Bilawday Hawadda Muqdisho

Muqdisho(SLPOST)Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilaabay inay roondo habeenkii ah ku sameeyaan hawada magaalada Muqdisho,

 

helicopter.1

iyadoo howlgaladaan cusub ay qeyb ka yihiin dagaalka dhowaan ay sida wadajirka ah ugu dhawaaqeen Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Hawada magaalada Muqdisho ayaa habeenkii waxaa dul heehaabaya diyaarado nooc cusub ah isla markaana ku shaqeynaya qaabka basaasnimada ah ee lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada dagaalyahanada ururka Al-Shabaab uu ka wado magaalada Muqdisho.

Diyaaradahaan oo ah noocyo aad u yaryar isla markaana ku shaqeeya Korontada ayaa waxaa hagaya ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, hase yeeshee dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay guuxa diyaaradahaan oo socda ilaa aroorta hore.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahaan isa soo tarayay, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii xarakada Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland