Amiiradda Qoyska Boqortooyad Spain oo Musuqmaasuq Ninkeeda lagu eedeeyey loo haysto

Spain (SLpost)- Amiirad ka tirsan qoyska reer boqor ee dalka Spain oo lagu magacaabo Princess Cristina, ayaa looga yeedhay maxkamad ku taal dalkaas si wax looga weydiiyo eedo musuqmaasuq oo la xidhiidha malaayiin cashuurta dadka laga qaado oo ninkeedu isticmaalay.

Yeedhitaanka maxkamada oo markii ugu horeysay qoyska reer boqor ee dalkaas soo wejahda, ayaa lagu fuliyey inanta ugu yar Carruurta Boqor Juan Carlos oo loo haysto musuqmaasuq ninkeeda lagu eedeeyey.

spaprincloseupafpNinkeeda oo lagu magacaabo Inaki Urdangarin, ayaa beeniyey inuu wax khalad ah sameeyey, in kasta oo aan isaga looga yeedhin maxkamada.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu dhaqaale xad-dhaaf ah ku dallacay maamulka dawlada hoose xaflado ciyaaro ah oo uu qanabqaabiyey, iyada oo lacagahaasi ku dambeeyeen shirkado uu maamulo ninkani oo ahaan jiray boqorka Palma.

Fadeexadahaa ayaa dhacay sannadihii 2004 ilaa 2006, xilli ninkaasi ahaan jiray madaxa ururka Noos institute.

Somalilandpost/Hargeysa