Alle miyaanu mudneyn inaynu ka xishoono ?

Xishoodku waa hab dhaqan qiimo badan, waa dabci Alle iyo Rasuulkiisuba jecel yihiin.

Waxa Nebiga ((SCW) ka sugnaatay inuu yidhi “Alle waa mid kariim ah oo xishood badan, wuxuu ka xishoodaa addoon gacmaha u hoorsaday inuu iyagoo madhnaan la noqdo !”

Asxaabtii Nebi Muxamed (SCW) markii la waydiiyey akhlaaqdii nebiga waxa ay yidhaahdeen: “Wuxuu ahaa mid ka xishood badan bikrad buulkeeda aan ka bixin”

Waxa kale oo Nebigu yidhi :”Qofna lama siinin khayr ka wanaagsan xishoodka”

Axaadiis tiro badan ayaa ku soo aroortay xishoodka iyo fadligiisa.
Xishoodku waa in qofku ka dhawrsado kana dheeraado dhaqan kasta oo xun, sidoo kalena u degdego dhaqan kasta oo wanaagsan.
Cid xumaan lagala xishoodo Alle ayaa ugu weyn, Nebi Muxamed (SCW) ayaa ku xiga, dadka dhaxalkii Nebiga xambaarsan (culimada) ayaa mudan in lagala xishoodo waxaan habooneyn, malaa’ikta camalkaaga qoreysa ayaa mudan inaad ka xishooto, waalidka iyo guud ahaan waayeelka ayaa iyana xishood inaga mudan.

Aayaddan:
(يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلَا يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللَّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لَا يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا)
Alle – korreeye- waxa uu ku dhaleecaynayaa qolo xumaha kala xishoon weyday, halka ay baqe iyo xishood dartii dadka ka dhuumanayaan iyagoo hilmaansan inay mudneyd inay Alle -weyne-ka xishoodaan oo xumaha ka qarsadaan – Alle waxba lagama qarin karo-.

“Dadkay ka gabanayaan oo xumaha kala dhuumanayaa, Allena iskama qarinayaan, Alle waa arkayaa oo maqlayaa goorta ay ku saamaleylsan yihiin wax aan Alle raali gelinayn oo hadal ah, waxa ay falayaanna Alle waa mid koobay oo xog-ogaal u ah”

Alle haynaga dhigo kuwo wanaagga ku foogan oo xumaanta ka fog.

Allow xishood ku raali geliya noogu deeq- Aamiin.

Jumce wanaagsan dhammaantiin, Salluu Calaa Rasuuli Laah- SCW.

Qalinka Cabdiqani Beder