Alla Aaway Dhalinteenii!! W/Q: Maxamed Sadiiq Dhamme

Labeentii dalka, xoogi dalka, aqoontii dalka, awoodii dalka, aayihi dalka, ubixii dalku  lahaa  waa kuwaa sibiq dhaqaaqay ee sii qulqulaaya iyagoo boqol boqla. Ee sii socda saxaraha silica badan, magafaha iyo baddana afka saaray, hablaheeni hilaabta wacnaa, inamadeeni geesiyada ahaa, garaadkeeni fayooba. Aqoonyahankeeni jamacaddaha ka baxay. Waa kuwa caddawgu qaybsaday, badh darxumo iyo gaajay ugu le’deen saxaraha, badh magafaha jidh dilay oo bog dilaacshay, badh badda mawjadaha badan waa kuwa ku daatay ee libaax badeedku hilbahoodi ku casheeyay, badhna jeelka caydhay galeen inta fara laga qaaday, kumanaanka  dhallinyarada ah waxa dhaqaajiyay oo ay la tahriibeen jihayn la’aan, mustqabal la’aan, shaqo la’aan, xilkasnimo la’aan, iyo dareen damqsho xukumad ku eegta oo aan jirin. Dalka waxa ka saaray dhallinyarada tirada badan niyad jab ay xukuumaddu baday.

Inankasta oo jamacadda ka  qalin jabiyaa marku shaqo waayo ee isagoo aqoonyahan intaas oo shahaado shandada ugu jirto uu aabbihi shanta kunee raysilaha ka bixiyo miyaanay niyad jab ahayn oo aanu tahriibayn? Markuu waayo mustaqbal hirasho leh, xukuumad xilkasa miyaanu tahriibayn? marku waayo caddaalad miyaanu tahriibayn? marka shaqaalaha eex iyo kana isku haybtihiin lagu qaato miyaanu tahriibayn? Waa hubaal inuuu tahriibo oo uu afka ka galaayo cadaw, haday sidaa kusii socotana waxa la waayi donna maalin dhaw nin dhallinyaro dhex mara suuqa. Iskadaa cid wax dhigata?

Madaxweyne siilaanyo wuxuu sameeyay gudida ka hortaga tahriibka, meeday gudidi ka hortaga tahriibtu? maxay qabateen?, maka hortageen tahriibkii? halkay ka shaqeeyan gudidaasi? Gudidaa madaxweynhu sameeyay maaha gudida ka hortaga tahriibka, Waa gudida dhiiri gelinta tahriibka waa magafayaal, Madaxweynuhu wuxuu sameeyay xafiiska shaqo abuurka dhallinyarada oo hoos taga wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada boodh weyn oo wanaagsanba lagu dhejiyaya irida xafiiska. Miyaad aragteen cid shaqo loo abuuray oo xafiiskasi shaqo geeyay? Xaasha maynaan arag ciday shaqo geeyen qofna ku dhahoo iyo shaqo ay abuureen. kulmiye wuu tagayaa ha tahriibina odhan mayno sidoodi waxaanu se leenahay. Waddaniyad, dareeen fayoow iyo tacabaynu dalka gelinayna dalkana mustaqbalka dhaw waa looso tahriibi doona. Qurba jooogta tirade badan ee dibada ku maqanina waysoo gurya noqon doonaan, waxaanaynu noqon doona dal u nool sida dunida asaageen.

Dhallinyarada soomaliland waxa ragaadisay shaqo la’aan baahsan, tirada ardayda jaamacadaha kasoo baxaysa sannadba sannadka ka danbeeya way kordhayaan, waana xooggi laga faa’idaysan lahaa. Iyadoo ay tahay halbeega dal kasta horumarkiisa laga cabiro tirada aqoonyahanka jamacadaha ka qalin jabiya sannad kasta. waxase ayaandaro iyo aaya la’aana iyadoon xukuumadu dareensanayn ahmiyada aqoonyahanka qalin jabinaya dalka u leeyihin oo aan ka fekerin maalin qudha sidii mustaqbal iyo shaqooyin wanaagsan loogu abuuri lahaa.. xukuumadda tallada haysa iyo xisbiga kulmiye waxay ololaha ku galeen oo ay madal kasta dhallinyarada uga ballanqaadi jireen inay shaqooyin abuuri doonan oo ay dhallinyarada jihayn doonan si ay u helaan mustaqbal haboon, may dhicin mana muuqato, umana qorshaysna xukuumadan hammigeed aragno, dhallinyardiina waxay ku majara haabiyeen qabyaalada ay macalimiin ka yihiin.

 

Fursadaha shaqo ee kooban xukuumadu uma maamusho si caddaalada waxa loo maamula si eexasho qabyaalad iyo tun ku qaadisa ah, masuul kasta oo xukuumada ka midi wuxuu wataa oo aad mooda inuu masuul u yahay inyar oo qoyskiisa ah, yaa lagu haleeyay dhallinyarada bari ilaa galbeed ku shaqada la’ ee aan haysan xukuumad la dareen iyo damqasho ah yaa masuul ka ah dhallinyarada suuqyada la waleecadaysa shaqo la’aanta ?

Mayd kaa lasii sida u danbeeyay soomalidu tidhaahda, wasiirkeena maaliyada sheekhena khaadibka ahaann jiray wuxuu labadi bilod ee u danbeeyay qoray shaqaale boqol iyo konton ka badan, siuu u qoray, caddaalad maw sameeyay dhallinyarada Somaliland ee uuu wasiirka u wada yahay, may umuu samayn ciduu tunka ku siday ayuu shaqaalaysiiyay waana mauuiyada aakhiro iyo ifka wax laga weydiin doono. Masuul kastaana sidaas iyo si kadaran ayuu u maamulaa shaqoyinka yare kooban, xaqsoorid iyo caddaaldna kuma shaqyaan.

Caddalada darada baahsan ee dalka ka jirtaa waxay sababi kartaa in dawladnimadeena meel fog laga eego, xukuumad bilaa caddaalaada oo aan xaqsoorid iyo sinaan lahynna waxa laga dhaxlaa baaba’ iyo bayhoof,, bulshadana waxay u horseedaysa dub u dhac.

Dhallinyarada Somaliland waxa hanka ka gumaystay oo dub u dhigay hogaan iyo xukuumad aan dan ka lahayn, oo aan diyaar u ahayn sidii dhallinyarada loo jihayn lahaa, se ka fekeraysa sidii ay hantida umadda u lunsan lahaayen, kelidoodnna dhiisha u hilanlahaayeen,  musuq xadhka goostay ee ragaadiyay dalka, boobka aan gabashada lahayn ee lagu hayo xoolaha ummadda waxa markhaati ka ah siday ugu takrifalanna masuuliyiinta  dalku hantida ummadda, wasiirada qaar waxay dhisteen qasriyo inagoo og mushahrkooda kooban, waxay moodayaan bulshadu inaany dhaadnayn oo aan la ogayn lunsiga hantida ummadda, waase laydin ogyay tooshak ummadduna wuu idin hayaa illahayna wuu idin arkaa.

Waxqabadka ugu wayn ee xukuumada siilaanyo ku faani karto, bulshaduna u diwaan geliysay ee loogu xardhay diwaanka taariikhdu waa qabyaalad. Qabyaalad qabyaalad. Waxay bareen reer kulmiye qabyaalad aan xishood lahayn shacabkii nadiifta ahaa, bulshadii usha iyo diirka ahyd, ummadi isku duubnaynd ee dalku ka dhaxeeyay. Waxa xukuumadu ina  bartay, kala dhawysi kala jeclysi, kala danaysi ninkasta dantiis gaarka ah wato oo dantii qaranka la hilmaamay, reer reer u jawaabaya, warbaahin laysu soo fadhiisinaayo bulshada. Wasiir hebeloow u jawaab adiga la hayba qofka xukuumada ku dhaliila qalcoo iyo maamul xumaanta baahsan, been iyo boorabgaandho aan xadlahayn. Reer kulmiyoow waxqabdkiinu waaka hadaad damiir  leedihiin oo ka xishoonaysaan beenta, galgalasho iyo gilgilaaadna idinkaga hadhimaysee ogaada, waxba haku mureehanina mucaaridka sidaa wax yidhi iyagaa qaladka sameeyay, idinkaa hogaanka ummadda laydiin dortay oo dalka iyo  dadkuna idinkala xisaabtamaya gaf walood gashen.

Maanta waxa ka hadhan doorashadi bila kooban wey soo xidhmaysa beenta ummada lagu harqinaya. Wasiir hantida ummadda aan ku  tamshlayn, hogaan hantida ummadda  ilaaliya, xukuumad cashuurto shacabka weelaysa, walaalnimo, wada jir iyo wax wada qabsi ayuu waddani ummada u horseedaya.

Somaliland guul  waddani guul illahay sahan kahyrqaba ummada hawga dhigo xisbiga waddani, illahay hogaanka waddani haka dhigo hogaan la mahadsho guul iyo gobonimo.

Maxamed Sadiiq Dhamme

Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI