ALGERIA: Roobab Saameeyay Sagaashan Kun oo qaxoonti ah

 

Geneva(SLpost) – Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ayaa sheegtay in roobab iyo daadad culus ay waxyeeleeyeen shan xeryaha qaxoontiga  SAHRAWI ee galbeedka Algeria ah oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 90, 000(Sagaashan kun) oo qaxooti ah.

 

Xerooyinka ayaa waxay ku yaalaan gobolka Tindouf oo u dhow xudduudda ay la wadaagaan Morocco iyo Western Sahara.

 

Ilaa hadda, UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa bilaabay gargaar-siinta ku dhawaad ​​25 000 oo qof, kuwaas oo guryahooda iyo cuntooyinkooduba ku haligmeen daadadka.

 

Laakiin,  iyada oo la filayo in ay roobabku istaagaan ilaa Axadda berri ah,  ayaa hay’addu ay ka digtay tirada dadka u baahan gargaarka oo kor u sii kacaya.

 

Dhinaca kale dowladda Algeria iyo ururada kale ee ay ka midka yihiin Barnaamijka Cuntada Adduunka, hay’adda QM u qaabilsan Caruurta iyo UNHCR ayaa cunto iyo biyo la cabo siinaya qaxoontiga.

 

Hay’adda ayaa sidoo kale qorsheyneysa in la dhiso cooshado. Qaxootiga Sahrawi ayaa degan oo ku nool gobolka tan iyo bartamihii 1970-ka dib markii Spain ay ka baxeen goobta dagaaladuna qarxeen.

 

Iyadoo markii horaba Saxaruhu helo roob aad u yar sanadka oo dhan, balse marka uu roob roob da’o waxa uu noqon karaa aafooyin dabiici ah oo ku dhaca dadka shicibka ah.