Albaabka La Furay Waa Isku Milan + Is Jecayl = Midow ~ W/Q: Ahmed Cali Kaahin

Waxaan aad uga naxay maraan maqlay in aan laga wada hadal halkay u dhimatay iyo  waxaynu dhawraynay ee ahaa in somalia ina aqoonsato inta ayna xoogaysan awood ahaan iyo cilmi ahaan, waayo maanta somalia oo aduunyada oo dhami dabataagan tahay ma awoodi karno in aynu ku dirqino waxaynu doonayno, balse waxa dhici karta in inaga wax la i noo muuseeyo sida hada muuqata. waayo waa dad yaqaana habka shirar( been been ) ah loo jilo maadaama ay 18 shir oo beena hore usoo mataleen.

Albaabkan la furay waxa aan u fahmay

1. In dadka la isku milo mudo

2. In marka la isku milmo la is jeclaado

3.  In markaa la is dhexgalo dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaan ayn lunto waxa somaliland u qiiroodaa la ISRAACO

Su’aashu waxay tahay Dawlada la doortay kaligeed ma ka arimin kartaa masiirka umada ugu codaysay dastuurkeeda 97% >??

Waxaa aad iyo aad u muuqata in dadka hagaya barnaamijkani aynu joogin xaalado badan oo dadku dareemayaan dareen ahaan sida Duqayntii Diyaaradihii ka kacayay hargeisa airport.

Waxa kale oo muuqata Dimuqraadiyada uu madaxwaynuhu ku caana maalay ee wasiir xirsina qiray in aanu madaxwaynuhu marnaba faro galin cida uu xil u dhiibto. taasi oo suaalo badan laga keeni karo sax iyo qaladba.

Maxaa talo ah marhadii aan la isku joojinayn

1. In dadka da da ah in la siiyo saami wayn oo lagu daro 5 guurti ah oo aan lahayn han siyaasadeed dan u madeed mooyaane

2. In suaalo badan la waydiiyo dadka hawsha gacanta ku haya

Maxaa shakiga keenay

1. Shirka oo saxaafada loodiiday

2. Shirka oo aad u dagdag ahaa si aan loogu helin faalo badan

3.go aano meel sii yaalay uunbay qoladini labada dhinac qalinka ku duugeen ayay u la muuqataaa dadka qaarkii

Waxa soo socda

1. Waa in madaxwaynaha sharafta badani uu ka taxadiraa DABINADA reer koon fureedka oo aad u xarfaana lacag badana hada helay.waxaan madaxwaynaha xasuusin lahaa 1.MALKO DURDURE

2. inagoon wali bogsan ayay hadana waligood ina may hambalyayn caymooyaane

3. in ay hada lacag heleen + nooc kasta oo dagaal+ ooge wadaad xume+af miishaaro caalamiya

Waxaan leeyahay wada hadadalaasi dadka ka qayb galay maaha dad u damqaday hooyadii agoomowday+ caruurtii u agoomowday+ dad iyo duunyaba waxaynu lahan waxaynu siisanay SOMALILAND WAX KASOKEEYA NO NO NO ayaanu leenahay

Ahmed aw Cali Kahin (Bulbul)

ahmedckahin@gmail.com