Xisaabiyihii Guud ee Ciidanka Booliska oo Shil Baabuur ku Geeriyooday maanta

Hargeysa (SLPOST)-Alla ha u naxariistee waxa shalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Rashiid Sheekh Axmed Cige oo ahaa Xisaabiyihii Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay Shil baabuur oo ka dhacay magaalada Kalabaydh ee gobolka Gabiley.

Alla ha u naxariistee waxa Marxuumka Aaskiisa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur, Wasiirka Shaqada iyo Qoyska, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeyo Guuto C/laahi Fadal Iimaan, Saraakiisha Ciidanka Booliiska iyo Askar ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska oo uu ka hawl geli jiray Marxuumku.

Marxuum Rashiid Sheekh Axmed Cige waxa uiu ku barbaaray Gobolka Awdal, waxbarashadiisii hoose/ Dhexe waxa uu ku qaatay Boorama Camuud, Waxbarashadiisii Jaamacadeedna Lafoole isagoo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska. Alla ha u naxariistee Rashiid Sheekh Cige waxa uu ka tagay laba Xaas iyo Sideed Caruur ah .

Somalilandpost.net

Hargaysa