Al-shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saddex Tuulo Oo Hoos Yimaadda Gaarrisa

Gaarrisa, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saddex tuulo oo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.Al-shabab

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay tuulooyinka Yumbis iyo Haluqo ee ka tirsan deegaanka Gaarisa iyo degmada Ramu ee hoos timaada deegaanka Mandera ee u dhaw xudduuda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa deegaannadaasi waxay kaga taageen calanka madaw ee astaanta u ah, ka hor saacado intii aanay halkaasi gaadhin ciidammada ammaanka ee Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ee Kenya ay dagaal kala hortageen maleeshiyada kana saareen tuulada Yumbis eek u taalla waqooyi bari magaalada Gaarisa.

Hasayeeshee dadka deegaanka oo ay idaacada BBc-da la hadlay ayaa sheegay in deegaanka ay weli ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Bishii la soo dhaafay ayay kooxda Al-Shabaab weerar ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa waxaanay halkaas ku dishay ku dhawaad 150 qof.

Somalilandpost.net