Al-shabaab Oo Toogtay shan Qof Oo Ay Basaasnimo Ku Eedeeyeen

SAAKOW(SLpost)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa shalay meel fagaare ah ku toogtay 5 qof oo ay ku eedeeyeen inay basaas ahaayeen.

Toogashadan oo ka dhacday goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakow ee Gobbolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa daawanayay dadweyne al-Shabaab ay halkaasi ku soo uruurisay.

Guddoomiyaha al-Shabaab ee degmada Saakow, Daahir Khaliif, ayaa sheegay in 5 qof ee la dilay ay jaajuseen baabuur ay la socdeen saraakiil ka tirsan al-Shabaab oo bishii 7-aad ay duqeyeen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Magacyada shanta qof ee ay Al-Shabab dishay ayaa lagu sheegay, Cabdinaasir Maxamed Cali, 25 sano jir ahaa, Axmed Cali Ibraahim oo 20-jir ahaa, Cabdiraxmaan Cusmaan Rooble oo 19-jir ahaa, Cabdullaahi Xasan Abuubakar oo 20-jir ahaa iyoMaxamed Aadan Isaaq 20 sano jir ahaa.