Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Mayd Sarkaal Kenyaan Ah Oo Kooxdooda Ka Mid Ahaa

Soomaaliya, (SLP)- Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay maydka sarkaal Kenyaan ah oo aanay sheegin xilliga la dilay iyo halka uu ku dhintay, iyadoo muuqaalka ay kusoo bandhigeen laga arkayay afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo ka tacsiyeynaya geerida sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ramzi.

Muuqaalka ayaa ugu horeyn lagu arkayay sarkaalkan oo qori AK47 wata, isla markaana dhex lugaynaya meel xero ah oo ay ku sugan yihiin tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab.Ramzi

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaamiyahan lagu magacaabo Ramzi uu u soo haajiray Soomaaliya sidii uu diinta u difaaci lahaa, waxaana la arkayay isagoo sujuudiisa dhukanaya.

“Ramzi wuxuu halkan u yimi sidii uu diinta u difaaci lahaa, wuxuuna ku dhintay waddadii uu doonayay inuu ku dhinto,” ayuu yidhi Cali Dheere oo ammaan u jeediyay xoogagga ajaanibka ah ee ka barbar dagaalama Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa kasoo jeeda gobolka xeebta Kenya ku yaalla ee Mombasa, waxaana lagu soo beegay soo bandhigida maydkiisa iyadoo Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay ka gaysato gudaha dalka Kenya.

Tiro badan oo dhallinyaro Kenyaan ah ayaa ku biiray Al-shabaab si ay uga bar-bar dagaalamaan, waxaana la sheegay inay aad u korodhay Kenyaanka ku biiraya kooxdan.

Somalilandpost.net

Soomaaliya, (SLP)- Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay maydka sarkaal Kenyaan ah oo aanay sheegin xilliga la dilay iyo halka uu ku dhintay, iyadoo muuqaalka ay kusoo bandhigeen laga arkayay afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo ka tacsiyeynaya geerida sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ramzi.

Muuqaalka ayaa ugu horeyn lagu arkayay sarkaalkan oo qori AK47 wata, isla markaana dhex lugaynaya meel xero ah oo ay ku sugan yihiin tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab.