Al-shabaab oo soo bandhigtay 76-askari oo ay sheegeen inay ka dileen AMISOM

Muqdisho, (SLpost) – Kooxda Al-shabaab ee dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegatay nay laayeen 76 askari oo ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Burundi dagaal shalay ku dhex maray degmada Dayniile ee magaalada Muqdiskho.

Af-hayeenka Al-shabaa Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wakhti ay maydadka askartan soo bandhigayeen warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay, “”Alle ayaan uga mahadcelinaynaa dilka askartan aan u geysannay. Dadka Muslimiinta ah waxaan leenahay bishaareysta waa la dilay kuwii madaafiicda idinku soo tuuri jiray,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay dagaal u dhexeeya gaalada iyo muslimiinta, isagoo sare u taagayay mucatab iyo baybal, isagoo shacabka ugu baaqay inay dagaallada ka qaybgalaan. “Tani waxay digniin u tahay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana shacabka Kenya u sheegaynaa in haddii wiilashooda ay ceshan waayaan ay la kulmi doonaan dilkan oo kale,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Waxa kale oo uu sheegay in shacabka Burundi iyo kuwa Uganda ay ku raaxeystaan maydadka askartooda, isagoo sheegay in qof walba oo Soomaali ah laga doonayo inuu toogto askarta AMISOM meel walba oo ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa ugu dambeyn sheegay in dagaallada ay sii socon doonaan. Waxaana dagaalka lagu dilay askarta faraha badan ee AMISOM ka tirsan lagu dilay dagaallo shalay ka dhacay degmada Dayniile.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay ciidamada Burundi ayaa beeniyay in askar badan looga dilay dagaalladii shalay ka dhacay degmada Dayniile, wuxuuna sheegay inay ku dileen dagaalladaas askar badan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net