Al-shabaab Oo Sii Daysay Laba Askari Oo Kenyan Ah Oo Maxaabiis U Ahaa, Ka Dib Markii Ay Islaameen

Nairobi, (SLpost)- Booliska Kenya ayaa sheegay in laba askari oo ay afduubteen kooxda Al-Shabaab, in ka badan laba sano ka hor la soo daayay.Keynya

Taliyaha Booliska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa sheegay in labada askari lagala gudbay soohdinta dalkaasi uu la wadaago Soomaaliya, iyagoo marar badana la geeyay xeryo kala duwan oo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Muu sheegin taliyuhu macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaabka loo soo sii daayay, balse waxa uu sheegay keliya, in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya in sababta ugu weyn ee ay u sii daayeen labada askari ee Kenyanka ah kooxda Al-shabaab ay tahay ka dib markii ay qaateen diinta Islaamka.