Al-Shabaab oo sheegtay inaanu Al-Amriiki noloshiisu halis ku jirin iyo Sierra Leone oo Ciidamo geynaysa Jubbooyinka

Muqdisho, 18 March, 2012 (SLpost)- Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka tirsan Shabakadda argagixisa ee Al-Qaacida, ayaa Bayaan ay shalay soo saareen kaga hadlay dhawaaq cabasho ah oo ka soo yeedhay mid ka mid ah argagixisada Ajaanib-ka ah ee ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Bayaanka ka soo baxay Malleeshiyada Al-Shabaab oo lagu daabacay barta Internet-ka Twitter ay ku leeyihiin, ayaa lagu sheegay in nolosha Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu-Mansuur Al-Amriiki aanay khatar ku jirin, waxaanay sheegeen inuu ku nool yahay barwaaqo.

Al-Amriiki oo dhalashadiisu tahay Mareykan, ayaa cajalad uu soo duubay ku sheegay toddobaadkan in noloshiisa ay soo food-saartay khatar, wuxuuna cajaladda ku sheegay inuu ka baqdin qabo in la dilo. “Waxaannu billownay baadhitaanno aan ku doonayno inaannu ku ogaanno xaqiiqada iyo ujeeddada ka dambeysa cajaladdan muuqaalka ah ee ay warbaahintu daabacday. Abuu-Mansuur Al-Amriiki noloshiisu khatar kuma jirto, wuxuu la nool yahay walaalihiis, barwaaqo ayaanu ku jiraa. Layaab ayay ku noqotay Xarakada cajaladda internet-ka lasoo dhigay, taasoo lagu sheegay inay ku jirto nafta Al-Amriiki khatar.” Sidaa ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee ay Al-Shabaab kaga hadashay cajaladda qaylo-dhaanta ah ee Abuu-Maansuur Al-Amriiki ku baahiyey Internet-ka.

Malleeshiyada Al-shabaab weli si toos ah ugagamay hadal arrintaas Al-Amriiki, marka laga reebo qoraalkan lasoo dhigay barta Internet-ka, waxaanay tani noqonaysaa markii ugu horreysay ee si cad ay u shaaciyaan dagaalyahannada ajaanib-ka ah ee ka barbar-dagaallamaya Malleeshiyada Al-shabaab inay khatar nololeed soo wajahday. Waxaanay cabashada Al-Amriiki ku muujiyey halista naftiisu ku jirto iyo khilaaf cakarin oo uu Cajaladdiisa ku sheegay inuu ka dhex qarxay hoggaanka sare ee Argagixisada Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmaysa xilli awooddii ciidan ee Al-Shabaab la wiiqay, isla markaana dagaallo saddex geesood ahi kaga furan yihiin dhinaca Kenya, Itoobiya oo kaashanaysa Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo deegaanno ka baxsan toddobaadkan ka qabsaday Al-Shabaab.

Geesta kale, dawladda Sierra Leone, ayaa sheegtay inay badhtamaha sannadkan geynayso Soomaaliya hal guuto oo ciidamadeeda ka tirsan si ay uga qaybqaataan howlgalka lagula dagaallamayo Al-shabaab ee ay wadaan ciidammada AMISOM, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan-dhigga dalka Sierra Leone, Major Ken Jabbi. Waxaanu intaa ku daray in ciidammadooda ay mar qudha tagayaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay dhammaantood ka kooban yihiin Rag.

“Ciidamada Sierra Leone tiradoodu waa 850-Askari oo tabobbar sare qaba, waxaanay mar qudha tagayaan Soomaaliya bisha Juun ee badhtamaha sannadkan.” ayuu yidhi Maj. Jabbi oo warbaahinta kula hadlay xarunta dalkaas shalay.

Dalka ku yaalla galbeedka Afrika ayaa wuxuu dhowr sano ka hor ballan-qaaday inuu ciidammo nabad ilaalin ah u dirayo Soomaaliya, kuwaasoo dib u dhacay, balse hadda waxay sheegayaan inay ka go’an tahay inay ciidammo u diraan Soomaaliya. Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxay qayb ka qaadanayaan korodhka tirada ciidammada AMISOM oo la gaadhsiiyay 17,700 oo Askari, kuwaasoo hoostagaya Midowga Afirka, balse ay dhaqaalahooda bixinayso Qaramada Midoobay, ujeeddadooduna tahay inay Soomaaliya ka cidhib-tiraan Malleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo hoostagta Shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Taliyaha ciidamada Sierra Leone ayaa sheegay inay ciidamadoodu aqoon durugsan u leeyihiin habka looga shaqeeyo dal ay colaado ka jiraan, isla markaana ay awood u leeyihiin inay kaalin muhiim ah ka qaataan xasilinta Soomaaliya. Isaga oo intaa ku daray inay Ciidamada Sierra Leone la howlgalayaan ciidammada dawladda Kenya ee ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo ay Al-shabaab meelaha ay awoodda ku sii leedahay ka mid ah dalka Soomaaliya.

Halkan ka daawo Muuqaalka Farriinta uu Al-Amriki ku shaaciyey inuu u baqasho Naftiisa

SOMALILANDPOST.NET