Al-Shabaab oo Sheegatay Masuuliyadda Weerar Dad Reer Galbeed ah lala beegsaday oo Todobaadkan ka dhacay Jabuuti

cali dheereMuqdisho (SLpost)- Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidamada Dalkaasi Soomaaliya iyo Xoogagga huwanta ee ka-garab-dagaalama, ayaa sheegatay masuuliyadda weerar todobaadkan magaalada Jabuuti ka dhacay, kaas oo ahaa weerar is-miidaamin ah oo lala beegsaday Hotel ay inta badan habeenkii ku caweyaan dadka Ajaanibka ah ee dalkaa ku sugan.

Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay weerarkii Jabuuti ka dhacay iyagu ka dambeeyaan, isla markaana ay ku dileen dad badan oo ajaanib ah.

Sheekh Cali Dheere waxa uu sheegay inay weerarkaas la beegsadeen saraakiil ka tirsan is-bahaysiga reer Galbeedka ee NATO oo ku sugnaa ku caweynayey Hotelkaas, isagoo ku hanjabay inay wadayaan weerarrada ay la beegsanayaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

“Weerarkii ka dhacay baarka ku yaalla Jabuuti waxaa ka dambeysay Xarakada Al-shabaab oo beegsanaysay saraakiil NATO ka tirsan oo halkaas ku caweynayay, waxaana wax ku noqday 35-qof oo isugu jiray kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa sheegay inay Hotelkaas ku sugnaayeen Ciidamo u kala dhashay waddamo ay ka mid yihiin Faransiiska, Maraykanka, Jarmalka, Holland iyo Beljam. “Mujaahidiintu waxay beegsanayeen laba sarkaal oo Faransiis ah oo maqaayaddaas ku sugnaa, waana lagu guuleystay in la dilo, labadaas sarkaal sababta aan u beegsannay waxay ahayd dhibaatadii uu Faransiisku u geystay muslimiinta ku nool dalka Badhtamaha Afrika,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Weerarka ay Al-Shabaab qiratay masuuliyaddiisa oo habeenimadii Sabtidu soo galaysay ka dhacay Hotel ku yaala magaalada Jabuuti, ayaa noqonaya kii saddexaad ee ay ka geystaan dalalka ay Ciidamadoodu ka hawl-galaan gudaha Somaliya, waxayna kooxdu horay u sheegatay weerarro khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay dalalka Uganda iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamadoodu ka tirsan hawl-galka Xooggaga Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.

Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Somaliya, ayaa kooxda Al-shabaab horay ugu goodisay in ay gudaha dalkooda weerarro ka fulinayaan haddii ay ciidamadooda kala bixi waayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo warbaahinta la hadlay maalin ka dib weerarka Al-Shabaab ka fulisay dalkiisa, ayaa sheegay in dalkiisa oo kaashanaya dalalka reer Galbeedka ee ay wada-shaqaynta leeyihiin ay sii wadayaan la-dagaalanka Kooxaha Argagixisada ah.

 

SOMALILANDPOST.NET