Al-shabaab oo sheegatay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somalia

Muqdisho (SLpost)-Qarax maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaalida Dr. Maxamed Cabdi Garweyne.

Garweyne ayaa dhintay marki ay qaraxday miino la rumeysanyahay in lagu soo xiray gaarigiisa taasi oo ku qaraxday meel u dhaw hotelka Al Qaliij ee degmada Xamar Weyne. Ilaa iyo 4 ruux oo ka mid ahaa ilaaladiisa oo la socday baabuurka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho. Gudoomiye ku xigeenka amaanka ee gobolka Banaadir Warsame Joodax ayaa xaqiijiyey geerida wasiirka isaga oo sheegay in weerarkaasi uu dhaawac kasoo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la socday gaariga.

Mr. Joodax ayaa sheegay in miinada lagu qarxiyey marxuumka ay u maleynayaan mid lagu xiray baabuurka ka hor inta uusan kasoo bixin gurigiisa, isaga oo intaasi ku daraan in ay arintaasi baari doonaan.

Garweyne ayaa ahaa wasiirki ganacsiga ee xukumadi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo tan iyo marki xilka laga qaadayna waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada ugu caansan dalka Soomaaliya isaga oo heystay darajada Dr.

Qaraxan ayey mas’uuliyadeeda sheegaty malleeshiyaada Al-shabaab , waxaase uu imaanaya xilli wasiirka arimaha gudaha oo ku armay ciidamada in ay xoojiyaan amaanka caasimada.