Al-Shabaab oo laga qabsadey Degmada Buulaberde ee gobolka Hiiraan

Somalia(SLPOST) Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa subaxnimadii hore ee maanta (jimce) dagaal ku qaadey degmada ay ku xooganayaayeen ururka al-shabaab ee Buulaberde gobolka Hiiraan Waddada isku xidha Jowhar iyo Hiiraan.

buundada-buulo-barde-348x180

Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay banaanka hore iyo tuulooyinka ku dhaw Buulaberde sida ay sheegayaan goobjoogayaal, waxaana dagaalkaa looga awood roonaadey Ciidamada u dagaalamayey ururka al-Shabaab kuwaas oo banaanka uga baxay magaalaada Buulaberde.

Ciidamada Itoobiya, Jabuuti iyo kuwa Dowladda oo ku hubeysan dabaabadaha dagaalka ayaa hadda ku sugan daafaha magaaladav Buulaberde iyo weliba gudaha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa la sheegayaa in ay horey u dhaafeen magaalada iyaga oo uga baxay dhanka Galbeed halkaas oo la sheegayo in ay u baxsadeen malayshiyaadkii al-Shabaab.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa la sheegayaa in Buulaberde uu ka bilowdey barakac ay samaynayaan dadka qaarkiis, kuwaas oo qaarkood dagaalka ay ka baxsanayeen, halka kuwo kale ay mar lawada bexeen ururka al-Shabaab.

Magaalada Buuleberde waxaa muddo dheer ka talinaayey ururka al-Shabaab waxaa lagu tilmaami jirey goobaha ay awoodda lixaadka leh ku yeesheen, isla amrkaana ka mid ahaa Saldhigyada laga hago dagaalada al-Shabaab, waxaase muuqata in al-shabaab ay go’aansadeen in dagaalkoodu noqdo ku dhufo oo ka dhaqaaq magaalo kasta oo weyna ay si fudud uga baxaan.

Dagaalka maanta Dowladda federaalku ku qabsatey Buulaberde ayaa qayb ka ah dagaallo muddo lagu goodinaayey oo ballantiisu ahayd sanadkan 2014 in alShabaabd dalka looga saarayo, waxaana uu ka socdaa gobolada Gedo, Bakool iyo Baay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland