Al-Shabaab oo ka dhigtay Banaanbax Buulo Burte , soona bandhigtay Haween Hubaysan oo dagaalada ka qeybqaadanaaya.

Somalia(SLPOST)Ururka Al-Shabaab ayaa abaabulay dibadbaxyo ka dhan ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana degmada B/Burte oo Shabaabku weli maamulaan ay dadweynaha isugu ka soo ururiyeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada B/Burte.

1-134

Dadweynaha bannaanbaxayay oo sida ka muuqata maamulka Al-Shabaab waxa uu dadka ugu qeybiyay calanka madow ee ay caanka ku yihiin, halka haweenka ka soo qeyb galay bannaanbaxana qaarkood ay u qeybiyeen qoryo iyo bastoolado.

Qaar ka mid ah horjoogayaasha iyo ciidamada maamulka Al-Shabaab ayaa ka dhex muuqda dadka dibadbaxyada dhigayay, kuwaasi oo qaarkood hagayay u yeedhinaya hadalada ay sheegayaan mudada uu bannaanbaxa socdo.

1-75

Ujeedada bannaanbaxa uu soo abaabulay maamulka ururka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan oo ku saabsan in dadweynaha lagu baraarujiyo inay la dagaalamaan ciidamada AMISOM oo dhowaan lagu biiriyay kuwa Itoobiya iyo waliba kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay madax ka tirsan Al-Shabaab.

1-233

Waxaa kale oo halkaasi oo khudbado kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah odayaasha degmada B/Burte ee taageersan ururka Al-Shabaab, iyadoo dadweynaha qaarkood ku qeylinayeen ereyo ka dhan joogitaanka Ciidamada AMISOM iyo guud ahaan nidaamka dowliga ah inuu dalka ka dhasho.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Desk