Al-shabaab Oo Baahisay Sawiro Argagax Badan Oo Muujinaaya Laynta Askartii Kiiniya

Somaliya(SLpost)-Warbaahinta afka Ururka Al Shabaab ku hadasha, ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay sawirran muujinaaya weerarkii uu dhiigga badani ku qubtay, ay Shabaabku ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay inay weerarkaasi ku dileen in ka badan 100 askari oo Ciidanka Kenya ah, halka 12 kalana ay nolosha ku qabteen.

Madaxweynaha Kenya, ayaa waxaa uu Talaadadii uu ku hanjabay in Ciidanka Kenya ay ka aargudan doonaan Ururka Al Shabaab, ka dib weerarka Jimcihii ka dhacay Degmadaasi Ceelcadde. Dowladda Kenya, ayaan illaa iyo hadda shaacin tirada rasmiga ah ee askartooda looga dilay, sidoo kalana looga dhaawacay, laguna waayay weerarka ay masuuliyadiisu sheegatay Al Shabaab.

Weerarka Degmada Ceelcadde, ayaa dood kulul ka dhex dhaliyay shacabka reer Kenya, waxaadna barraha bulshada ku arkeysaa su’aalo ay ka mid yihiin, sababta ay Xukuumadda Nairobi u shaacin la’dahay tirada askarteeda ee looga dilay weerarkaasi.

7d0f0180 1159e84d a6cf3677 d78b0bb4 eae69007 d78b0bb4 (1) e9484885