Al-Shabaab Oo Afduubtay Shaqaale Caafimaad

Somaliya(SLpost)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu afduubay darawal iyo kalkaaliye caafimaad, xilli ay la socdeen gaadhi kuwa gurmadka deg degga ah oo marayey dulleedka bari ee Dhuusamareeb.

Ragga la afduubay ayaa kala ah, Cabdi Kaafi Japan oo ka tirsanaa kalkaaliyeyaasha cusbitalka Dhuusamareeb, iyo darawalkii baabuurka, Yaxye Muxiyadiin. Guddoomiyaha Degamada Ceelbuur, Cabdi Xasan Biya Quute ayaa u sheegay VOA-da in ragga afduubka geystay ay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabab

D31C7CE7-679A-45FD-A274-842641FB0369_w640_r1_s_cx6_cy5_cw94

Waxa uu sheegay in ka hor intii aysan afduubin raggan iyo gaadhiga inay taleefan ka waceen iyagoo u sheegay inay yihiin ehelka haweeneey fool aheyd, hase yeeshee markii ambalaasta ay halkaasi tagtay ay ugu tageen ragga hubeysan ee afduubka u geystay.

Gaadhiga la afduubtay ayaa lagu arkay Magaalada Galhareeri ee ku dhow Ceelbuur. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay xaaladda raggan la afduubay .