Akhristow ma ka soo baxday waajibkii Ilaahay ku faray dhacdada SAAXIL

Fitnadu way Hurudaa, ILAAHAY ha NACDALO qofkii Toosiya! Waa Xadiis.

Hargeysa- Ilaahay markuu bani’aadamka abuuray, waxuu u soo diray Rusul (CS) qoom walba ugu baaqayey inay cibaadada u gaar yeelaan Ilaahay keligii, una soo dejiyey kutub ay u racaan xalka mushkiladaha dhinac walba noloshooda kala soo gudboonaada. Ummadeena Islaamka ayaa sidoo kale Ilaahay u soo diray Rasuulkii ugu wanaagsanaa Maxamed (CSW) iyo kitaabkii ugu dambeeyey oo Ilaahay inoogu sheegay inaan waxba lagaga tegin sheegitaankiisa.

Akhriste, hadaan u soo noqdo ujeedada maqaalkaygan maanta, oo guud ahaan inta xil-kasta ah ee shacabka dalkeena la yaab ku noqotay maqalka dilkii foosha xumaa ee ka dhacay gobolka Saaxil, ilaahay ka baryayaan inuu nabadgelyo ugu dhameeyo, kana badbaadiyo dhibaato iyo fitno kaloo ka abuurma, ayaa dhinaca kale waxay isweydiinayaan ficilada iyo kaalinta inbadan oo wax-ma-garato ah ugu haliilayaan inay u sii huriyaan, iyadoo aan la garanayn ujeedada ay ka leeyahiin.

Ilaahay aayad Qur’aan ah waxuu inoogu sheegay oo macnaheedu yahay, “Hadii mid faasiq ah war idiinla yimaado-iska hubiya, intaydaan dhibaato gaadhsiin idinkoo xog la’aan idin hayso”. Akhristayaal muhiimada aayadan inoo leedahay iyo waajibaadka ay inna farayso waa mid danteena ah, loona baahan yahay, inaynu iska hubino intii suurtagal ah wax kastoo laynoo sheego, ama meel lagu qoro, hadii kale, waxa xaqiiq noqonaysa inaynu noqono dad ku sifooba xumaanta aayadu sheegayso, oo cawaaqibkeeda dambe iyo dhaxalkeeduna yahay hoygii naareed. (Ilaahay ha innaga badbaadiyee.Aamiin)

Walaalayaal, xadiis Nebigeenii Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa, Fitnadu way hurudaa, Ilaahay ha nacdalo qofkii Toosiya”, haddaba, hadii si adag la inooga digay sii hurinta colaad dhexmarta ummada islaamka, qofkii sameeyana, dushiisa ahaanayso dhibaato kastoo ka dhalata, ilayn horaa diinteenu inoogu sheegtay in qofkii nooleeya qof walaalkii islaam ah uu la mid yahay isagoo ummada oo dhan nooleeyey, sidoo kalena qofkii dhibaayeeya, ama dila qof islaam ah la mid yahay isagoo ummada islaamka oo dhan dilay, waa maxay asbaabaha qolyaha ka shaqeeya qeybaha warbaahinta, ama dadka kale sifo hadal, qoraal, ficil iyo si kasta niyad ha ahaatee ugu haliilaya inay sii huriyaan dhibaatada manta taagan ka faa’iidayaan, miyaanayse dhaadsanayn goodiga iyo cawaaqibka qof kastoo ku dhaqaaqa u diyaarsan, in lagu abaalmariyo aduun iyo aakiraba?

Waxaan aad isu-weydiiyey in badan oo warbaahinta gudaha Somaliland, ha ahaato wargeysyo, website-yo, baraha bulshadu ku xidhiidho, sida facebook, qaabab kale ficil, hadal ama niyada ka doonaya ugu haliilayaan sii hurinta dhibaatadan iyo fitnadan ee shaydaanku ugu shaqeysanayo, oon ka tilmaami karo mareego sida Burco Online, wargeyska SAHAN, kuwo kaloo bdan iyaguna isgaranayo, ummaduna garanayso u samaynayaan? Maxaase ugu jira dhibaato dhacda? Kolay annigu aan odhan karo waa jaahilnimo ka haysata DIINTOODA ISLAAMKA.

Ilaahay waxuu aayad qur’aan ah inoogu sheegay, “Ka baqa Fitno aan saamaynayn keliya kuwa galabsaday” oo fahamkeedu yahay hadii ummada islaamku iska qaban weydo inta xumaanta ku foogan, inaanay ka badbaadayn masiibada ka dhalata? Sidoo kale xadiis Nebigeena Maxamed CSW ayaa machaniisu ahaa (Qofkiina arka xumaan haku suuliyo gacantiisa, hadaanu awoodin, afkiisa, hadaanu awoodin, niyada haka naco (oo iimaanka halka ugu hooseysa ah). Haddaba, maadama qof kastoo islaam ah waajib maalinta aakhiro la weydiinayo inuu gutay tahay ka dhiidhiga iyo iska qabashada qof kastoo xumaan iyo dembi wada noocuu doono ha ahaado, qofkuu doonana ha ahaadee, waxa looga baahan yahay qof kastoo islaam ah, lab iyo dhedig inay gutaan waajibka saran, isla markaana sifaha ay wax kaga qaban karaan suulinta xumaantan ama kuwa kale yimaadaba u adeegsadaan oo gacan, af wax kaga qabtaan, ama niyada ay ka nacaan, qofkii gudan waayana waajibka saarana, isaga ayaa naftiisa u horseeday cawaaqibka uu kala kulmo, waxaan kaga baxayaa, inta sifo kastoo ay leedahay ugu foogan sii hurinta dhibaatadan iyo fitnadan taagan iyagaa iyo nafahoodaa is-oge inay Ilaahay uga toobad keenaan, iyo ummada islaamka inta ay dembiga ka galeen, manta ayey fursad haystaane, hadii kale, ha u diyaargaroobaan hoygii NAARTA JAHANAMA GUNTEEDA, (Ilaahay ha innaga badbaadiyee) ee loo yaboohay kuwa munaafiqiinta oo calaamadahooda ka mid tahay inay beenta sheegaan. Ilaahay dariiqa xaqa ah ha inna waafajiyo, aakhirana janadiisa FARDOWSA hoy ha inooga dhigo, innaga, waalidiinteen, iyo ummada islaamka dhamaantood. Aamiin.      

Qore: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye).