Akhriso Liiska Magacyada 106 Xubnood oo ka tirsan Bahda Garsoorka Somaliland oo Shaqo-ka-fadhiisin, Isku-beddel, Magacaabis iyo Dallacsiin lagu sameeyey

2HARGEYSA (SLpost)- Guddiga Caddaaladda Somaliland, ayaa isku-shaandheyntii ugu ballaadhneyd ku sameeyey Guddoomiyeyaasha, Garsooreyaasha, Xeer ilaaliyeyaasha, Kaaliyeyaasha iyo hawl-wadeennada ka hawl-gala Maxkamadaha iyo Xafiisyada hay’adaha garooskra dalka.

Isku-shaandheynta Guddiga Cadaaladdu ku samaysay bahda Garsoorka, waxa sidoo kale shaqada lagaga fadhiisiyey Garsooreyaal iyo Xeer-ilaaliyaaal tiradoodu gaadhayso 16 xubnood, halka sidoo kale la magacaabay Garsooreyaal cusub.

Go’aanka Guddiga Cadaaladda ayaa lagu shaaciyey wareegto shalay ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo u xil-saaran Fulinta Go’aamada ka soo baxa Guddiga Sare ee Cadaaladda, sida ku xusan qodobka 106aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa loo magacaabay Cali Suudi Diiriye oo hore u ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanta Gobolka. Halka Maxkamadda Gobolka Maroodijeex loo magacaabay Maxamed Dalmar Ismaaciil oo hore uga hawl-gali jiray Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Togdheer, waxa loo magacaabay Ibraahim Axmed Yaasiin, halka Xasan Ismaaciil Guuleed uu noqonayo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer. Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Burco, ayaa loo magacaabay Cabdilaahi Cabdi Maxamed.

Halkan Hoose ka Akhriso Liiska Isku-shaandheynta Bahda Garsoorka oo dhammaystiran.

1 2 3 4 5 6

SOMALILANDPOST.NET