Akhriso Bayaan ay wada-jir ah u soo saareen Beesha Caalamka ee Taageera Doorashooyinka Somaliland oo socdaal ku imanaya dalka

Hargeysa (SLpost)- War-mutiyeed ay maanta ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Nairobi ayaa lagu shaaciyey bayaan ay wada-jir u soo saareen Beesha Caalamka ee Dhinaca Doorashooyinka ka caawiya Somaliland, kuwaas oo la filayo in wefti sare oo ka socdaay dalka safar ku iman doonaan 12-ka bisha  iyagoo joogi ilaa 14-ka bisha.

Bayaankan oo lagu shaaciyey socdaalka ay dalka ku iman doonaan weftiga beesha Caalamka, waxa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inaanu la xidhiidhin ama shaqo ku lahayn Hawsha goob-joogayaasha caalamiga ah ee dusha kala soconaya nidaamka doorashada.

EU and UKBayaankan oo isagoo Af-Soomaali ku qoran la soo gaadhsiiyey warbaahinta, waxa baaq loogu jeediyey Xisbiyada ku loolamaya hoggaanka dalka inay u hoggaansamaan nidaamka sharci ee geeddi-socodka doorashada iyo natiijada ka soo baxda codbixinta ay shacabku dhiibtaan.  Waxa kale oo Guddiga Doorashooyinka lagu boorriyey inay si habsami ah u guda-galaan culayska masuuliyadda ay qaranka u hayaan.

Bayaankan oo ay ku saxeexan yihiin dalalka Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, The Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Maraykanka,   ayaa u qornaa sidan:-

“Wefti heer sare ah oo ka socda hay’adaha caalamiga ah ayaa booqan doona 12- ka ilaa iyo 14-ka bisha November Hargaisa, Somaliland.

Ujeedada booqashadu waa in anu muujino wadidda ka qaybgalka iyo dhiirigelinta xooggan ee geedi socodka ku-meel-gaadhka ah ee dimuqraadiyada

Somaliland iyo in taas macnaheedu yahaay in ay doorasha madax-banaan, oo loo dhan yahay. laguna kalsoonan karo oo daahfuran ay ka dhacdo Somaliland 13ka Bisha November.

Wafdigan heerka sara ah maahan wafid indha-indheynta doorashada Somaliland mana matalaan gudi qas ah oo kormero doorashada madaxweynaha ee Somaliland.

Wada-hawalgalyaasha Caalamiga ah waxaay ku qanacsan yihiin horumarka diyaarinta doorashooyinka waxayna ku boorinayan in ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka sii wadaan shaqadooda wanagsan. Waxay sidoo kale ugu baaqayan xisbiyada siyaasadda inay ka qaybgalan doorashooyinka si habboon o nabadad ah. Marka la eego qaabka iyo nidaamyada sharci ee la dejiyaay, si ay u hoggaansamaan go’aamada hay’adaha madax banana iyo inaay siyaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka waqti iyo nafaaska ay ubaahan tahay marka codbixintu dhamaato si ay natijada ugu dhawaaqan. Waxay sidoo kale ku boorinayan dhamman daneeyayasha in ay ixtiraaaman doorka saxaafadda ama warbaahinta ee wargelinta dadweynaha iyo si kor loogu qaado daahfurnaanta iyo kalsoonaanta geeddi-socodka doorashada.

Beesha Caalamku waxay aaminsan tahay in doorashadani ay tahay mid fursad u leh Somaliland inay xoojiso aqoonisgeeda dimuqraadiga ah ee horumarka faa’iidada Somaliland.” Sidaa ayuu u qornaa Bayaankani.