Akhdar Brahimi oo la Kulmay Bashar Al-Asad iyo Suuriya oo iska Fogaysay Dilka Jeneral Jenaraal Xisaam Xasan

Dimishiq (SLpost)- Ergeyga U qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta Nabadeynta Dalka Suuriya Mr.Akhdar Ibrahimi, oo ilaa Jimcihii Booqasho Rasmi ah ku Joogay Caasimada Dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa Maanta Kulan Saacado ah la yeeshay la yeeshay Madaxweynaha Dalkaasi Dalkaasi Mr. Bashaar Al-Asad.

Waxana uu Kulankaasi Mr.Ibrahimi kala Hadlay M/weynaha Suuriya Sidii Xabada Loo joojin lahaa iyaamaha Barakaysan ee Ciida Udxa oo ka bilaamaysa Jimcaha Todobaadkan ilaa iyo Isniinta Todobaadka Dambe,taas oo laga Filayo Mucaaradka Hubaysan iyo Xukuumada Dalkaasi dalkaasi in ay Dagaalada Ka dhexeeya Joojiyaan iyagoo Qadarinaya Munaasibada Ciidul Udxada.

Hase ahaatee, Mr.Akhtar Ibraahimi Waa uu ka Gaabsaday Amuuraha kale ee uu kala hadlay madaxweynaha Suuriya ee ku saabsan Habka Nabad Looga dhalin karo ka hirgasha Suuriya,Lakin intii Mr.Ibrahimi Kula jiray,waxa ka dhacay Deegaanada Masiixiyiintu ku badan Yihiin ee ku yaala Dimishiq qarax weyn oo ay ku dhinteen ilaa Sedex iyo Toban qof Tiro badana ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Afhayeen Maanta u Hadlay Dawlada Suuriya oo lagu Magacaabo, Jihaad Miqdaadi ayaa si adag u Beeniyay Qaraxii lagu Dilay Jenaraal Wisaam Xasan iyo lix qof oo kale oo Jimcihii ka dhacay Xarunta Dalkaasi Lubnaan ee Beyruut.

Jeneraalkan oo ahaan jiray Taliya Guud ee Ciidamada Sirdoonka ee Lubnaan,oo ka soo Jeeda qowmiyada Suni,ga ah,ayaa Masuul ka ahaa Baadhitaan Mudo dheer qaatay oo ku saabsan Dilkii Ra’iisal wasaarihii Hore ee Lubnaan Mr.Rafiiq Xariiri oo Lagu eedeynayay Sirdoonka Xukuumada Suuriya taas oo loo Xidhay Saraakiil Reer lubnaan ah oo qacan saar La’lahaa Dawlada Suuriya.

Hase yeeshee,Kuman yaal Qof ayaa Maanta ka soo qeyb galay Aaska jeneraal Xisaam Xasan,iyadoo amaanka Magaalada Aad loo Sugayo,waxase Siyaasiyiinta Mucaaradka Dalkaasi ku eedeyeen Dilka Jananka Dawlada Suuriya.

SOMALILANDPOST.NET