Akadeemiga Nabadda oo ka Hadashay eedayn loogu jeediyey Inay dalka ku Marti- qaadeen Nin Qaranimada Somaliland Liddi ah

CABDIRAXMAAN CAYNTE

Hargeysa(SLpost)- Akadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland ayaa iska fogeysay martigelinta madaxa hay’ada HISP Cabdirxmaan Caynte oo socdaal ku yimi Somaliland, isla markaana caddeysay inaanu tababar ku qaban Karin Somaliland.

Agaasimaha Fulinta Akadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland Maxamed Faarax Xirsi ayaa cadeeyey inuu Somaliland u yimi ka qeybgalka tababar Jaamacada Hargeysa lagu siinayey xubno Soomaaliya iyo Puntland u dhashay.

CABDIRAXMAAN CAYNTE
CABDIRAXMAAN CAYNTE

Cabdiraxmaan Caynte, madaxa urur fadhigiisu yahay Muqdisho, isla markaana warbixino xaqiiqada ka fog ka qora sooyaalka tariikheed ee Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey saxaafada iyo aqoonyahanka reer Somaliland ka qoreen maqaalo lagu dhaleecaynayo imaatinkiisa, isla markaana lala xidhiidhinayey in Akadeemiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland soo martiqaadeen.

Agaasimaha Akadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Maxamed Faarax oo wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa ay kala socdaan imitaanka ninkaas iyo eedo loogu jeediyey marti-qaad ay ku qaabileen oo ka dambaysay imaatinkiisa, ayaa ku jawaabay, “Kaalin aanu ku lahayn imaatinkiisa Somaliland iyo martiqaad aanu u samaynay midna ma jiro.”

Mar la weydiiyey waxa ka jira tababaro uu ku qabtay Hargeysa oo isagu gadhwadeen ka yahay isla markaana ujeeddadiisu ahayd inuu fekerka ururkiisu ka dhaadhiciyo dhalinyarada Somaliland, sida uu baahiyey barta uu Cabdiraxmaan Caynte ku leeyahay Facebook, “Ma qabo inuu tababar ku bixin karo Somaliland, awoodna uma laha, Umuu dhalan Somaliland, xaruna kuma laha,” ayuu yidhi Maxamed faarax, agaasimaha Fulinta Akadeemiga, isagoo raaciyey, “Waxaan maqlay inuu u yimi tababar xubno ka socday Soomaaliya iyo Puntland loogu qabtay jaamacada Hargeysa oo hay’ad fadhigeedu yahay Nayroobi bixinaysay.”

Imaatinka ninkan Agaasimaha ka ah Ururka HISP, ayaa warsaxaadda Somaliland qaarkood baahiyeen in in markii imaatinkiisa laga war-helay looga yeedhay Waaxda Socdaalka Somaliland si wax looga weydiiyo imaatinkiisa Somaliland, balse mar dambe ayaa la sheegay inay fasaxeen, inkastA oo aan warar dambe ka soo bixin.

Aqoonyahan iyo dhalinyaro dhowaan magaalada Hargeysa ka soo saaray qoraal ay ku cambaareynayaan imaatinka ninkaas, ayaa Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta ku eedeeyey inay ka dambaysay marti-qaadkiisa isla markaana ay u fududeeyeen wax-qabadyo hawlaha ururkiisa ku taxaluqa oo uu ku qabtay Hargeysa.

XIGASHO: Himilo Newspaper