Akadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Oo Qabatay Kulan Lagaga Dooday Saami-qaybsiga Doorashada Golaha Wakiilada

 

Hargeysa (SLpost)- Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, ayaa kulan dood ah oo lagaga hadlayey Arrinta Saami qaybsiga Doorashada Golaha Wakiillada ee soo socota waxa ay ku qabatay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro Asxaab iyo Ururada Bushada Somaliland ayaa waxa lagaga dooday qaabka loo gali karo doorashada golaha Wakiillada.

Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax, kaas oo sheegay in Somaliland siyaasada iyo waaqiciga jira ay kala koreen, isla markaana siyaasadu aanay la korin.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in saami qaybsi 50% ah ay doonayaan in lagu qaybiyo doorashada golaha wakiilada oo ay helaan beelaha darifyada Somaliland, halka Beesha dhexena ay hesho 50% ka kale, sidoo kale Axmed Siciid Cige oo ah  faanqeeye siyaasada ayaa isaguna tilmaamay in Somaliland ay dimuqraadiyada ku fashilantay.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Axmed Cali Casoowe ayaa isaguna ku dooday in doorashadii ugu dambaysay ee Baarlamaanka Somaliland ay xisbiyo qaybsadeen isla markaana saddexda xisbi ay isku reer yihiin oo ay doonayaan in beelnimo wax lagu qaybsado.

Doodan ku saabsan doorashada Golaha Wakiilada ee ay Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somailand oo ay soo qaban qaabisay, isla markaana dad badan ay ka hadleen ayaa waxa ka mid ah xubnihii doodooda dhiibtay Prof. Maxamed Cismaan Fadal, Siyaasi Cabdilaahi Dirawal, Xildhibaan Bulqaas iyo Xildhibaan Cartan, Maxamed Abiib, Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil iyo xubno kale oo tiro badan.

 

@HCTV