Ajandaha Shir Beel Ka Mid Ah Beelaha Gobolka Sanaag Uga Furmay Magaalada Kal-sheekh Iyo Xusuusta Taariikhda Murugada Magaaladaa

Kal-sheekh (SLpost)- Shir loogu magacdaray Hilaw iyo Hanuun oo Beesha Bah-Muxumed oo ka mid ah Beelaha Deegaanka Goblka Sanaag  hore u shaacisay qabashadiisa  ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Kal-sheekh Khamiistii todobaadkan.

Shirkaa oo ay ka qaybgaleen Aqoonyahanka, waxgaradka iyo Odayaasha ku dhowaad boqol ergey oo ka kala socday deegaanka Balaadhan ee Beesha Bah Muxumed ee Basan-buur (Biciide), ka degto gobolka Sanaag, ayaa loo qaybiyay maanta ajandaha shirka iyo qodobada lagaga hadlayo. Kadib markii gudiyo iyo shir doceedyo gooni gooni u kulmay ka hor shirka la saaray shir-gudoonka hagaya shirka mudada uu socdo.

Ajandaha shirkaa loogu magac daray Hilaw iyo Hanuun ayaa lagu soo koobay in aanay ujeedadiisu ahayn arrimo siyaasadeed uu ay la xidhiidho danaha Beesha iyo arrimaha dhexdeeda ah.

Waxaana qodobada ajandaha Shirka Hilaw Iyo Hanuun  ee Kal-sheekh ka socda laga tilmaamay in qodobada lagaga hadlayo ay ka mid yihiin,  Ku dhaqanka Sharceedada islaamka,  Nabadgelyada iyo ilaalinta Deegaanka iyo sidii looga hortegi lahaa xaalufinta deegaanka iyo nabaad guurka Horumarinta khayraadka dabiiciga ah sida Beeyada,  Xabagta iyo faleenka iyo ka faa’idaysiga khayraadka Beeraha Kaluumaysiga IWM.

Midaynta Beesha iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahayd Beelaha kale ee ay gobolka wada degaan Horumarinta deeganka ee dhinacyada adeegyada Bulshada sida Caafimadka,  Waxbarashada IWM.

Dhinaca kale Magaalada shirkaa lagu qabtay  ee Kal-sheekh ayaa ka mid ah  magaalooyinka aataarta ah ee ka tirsan gobolka Sanaag, isla markaana waxay taariikh iyo xusuus ku leeyihiin Magaaladaa iyo dadka deegaankaasi halgankii lagu xoreeyay Somaliland iyo dagaaladii lala galay Taliskii Milateriga ahaa ee Siyaad Bare xiligii sideetanaadkii.

Waxay dad badani ku xusuustaan Kal-sheekh oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn  Xasuuqii loo geystay dadka deegaankaa ee ka dhacay tuulada Kal-shiikh Oktoobar 1988, iyadoo Taliskii Maxamed Siyaad Bare si waxashnimo ah ugu xasuuqay  44 qof oo isugu jira dhalinyaro, waayeel iyo caruur, kuwaas oo laga buuxiyay Gaadhi Nooca loo yaqaan Iska rogooyinka, isla markaana inta lagu dalacay rasaas lagu furay, kadibna meel keliya lagu wada aasay.

SOMALILANDPOST.NET