Ajandaha Kal-fadhiga 46aad ee Golaha Guurtida oo manta la ansixiyey iyo Qodobada Xaasaasiga ah ee Horyaala

Hargeysa, 25 February, 2012 (SLpost)-Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa lagu ansixiyey ajentadaha kalfadhiga 46-naad ee golaha guurtudu oo ka koobnaa lix qoddob.

Fadhiga Golaha oo shir-gudoominayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, oo ay ka soo xaadireen 54 mudane waxa lagu ansixiyey ajendaha kalfadhiga lix iyo afartanaad ee golaha guurtida oo ka koobnaa lix qoddob, kuwaasi oo kala ahaa:

  • Warbixinta shirgudoonka
  • Warbixinta guddiga joogtada ah
  • Siyaasadda arrimaha dibadda iyo ta gudaha
  • Nabadgelyadda iyo horumarinteeda
  • Xog-waraysiyo lala yeesho wasiiradda iyo Xeerar ay golaha wakiiladu u soo gudbiyeen golaha.

Golaha Guurtida ayaa u coddeeyey ajendaha la horkeenay madasha, waxaana oggolaaday 36 mudane waxaana diiday 4 mudane iyada oo ay ka aamusay 3 mudane, guddoomiyaha goluhuna ma codayn, sidaa ayaanu ku ansaxay ajendihii kalfadhiga 46-naad ee golaha guurtida Somaliland oo ka koobnaa lix qoddob.

SOMALILANDPOST NEWS

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland