“Ajaanibku Waxa ay la Wareegeen 70%(Boqolkiiba Todobaatan) Ilaha Dhaqaalaha Waddanka” Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka madaxtooyada waddanka Koonfurta Afrika, Jeffrey Thamsanga Radebe, ahna guddoomiyaha guddi wasiirro ah oo madaxweyne, Jacob Zuma uu bishii Abriil ee sannadkan u magacaabay inay dib u eegis ku sameeyaan howlaha socdaalka iyo tacadiyada loo gaysto ajaanibta ku dhaqan dalkaas ayaa sheegay in Koonfur Afrika aaney ahayn dhammaantood dad ajaanibta neceb.

Jaffrey ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu siinayay guddi ka kooban 25-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka waddanka Koonfur Afrika kuwaasoo loo saaray inay baadhitaan ku sameyaan dilalka, dhaca iyo boobka loo geysto ajaanibta ku leh ganacsiyada tulooyinka isku-raranta ah ee ku yaalla gobollada South Afrika.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ajaanibta ay sabab u yihiin kuwa lug ku leh dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo; isagoo sheegay in ajaanibtu ay la wareegeen 70% ilaha dhaqaalaha waddanka Koonfur Afrika, gaar ahaan tuulooyinka isku-raranka ah ee ku yaalla meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay ganacsatada ajaanibta ah inay yihiin dad aan u hog-gaansamayn shuruucda dalka, canshuurahana aanay bixin, wuxuuna tusaale u soo qaatay, xaafadda Ivory Park-Tembisa oo uu xusay in ganacsiyada ku yaalla ay 70 ka mid ah ay u furan yihiin dadka dalka u dhashay, halka 147-da kalena ay u furan yihiin ajaanibta.

Dhanka kale, wuxuu sheegay wasiirku in xaafadda Imzamo Yethu-Hout Bay ee gobolka Wetern-cape: 58 ganacsi ay u furan yihiin ajaanibita. sidoo kalena. Vrygrond, Cape Town ay iyadana ganacsiyada 86-ka mid ah ay leeyihiin ajaanibta, halka 44-ka kale ay leeyihiin Koonfur Afrikaanka, taasoo uu sheegay inay markhaati u tahay in ajaanibta ay aad ugu xooggan yihiin ganacsiga Koonfur Afrika.

Xaafadda Delft ee magalada Cape-town ee gobolka Western Cape ayaa noqotay xaafadda kaliya ee ganacsatada u dhashay waddanka Konfur Afrika iyo ajaanibta ay ka siman yihiin tirada ganacsiga, 89ka mid ah goobaha ganacsi Konfur Afrikaanka ayaa leh, halka 90-ka kalena ay leeyihiin ajaanibta, sida uu sheegay Jeffrey.

 

Ugu dambeyn, wasiirka madaxtooyada dalka Koonfur Afrika ayaa guddiga baarlamaanka dalkaas u sheegay inay xidhi doonaan ganacsi walba oo shuruucda dowladaha hoose aan u hoggaansamin, xukuumadda iyo guddiga uu madaxda ka yahayna ay dhib u eegi doonaan nidaamka socdaalka ee waddanka, si loo yareeyo khillafaadka u dhexeeya muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee ku nool ku dalka Konfur Afrika.