Ajaanibkii ugu Badnaa ee Ka Shaqeysanayay Gudaha Somaliland oo Maanta Ka Gudbay Xuduudda Itoobiya

Wajaale, (SLpost)- Ajaanibka ku sugnaa gudaha dalka Somaliland,islamarkaana intooda ugu badani kasoo jeedeen dalka Itoobiya, ayaatiradii ugu badneyd ee dadkaas ahi waxy maanta arbacadii si qulqul ah uga talaabeen Magaalada Tog-Wajaale ee Ku Taala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

Qaar kamid dadkaas oo Warbaahintu wax ka weydiisay , socdaalka xiligan ay ugu gudbayaan dalka Itoobiya ayaa, sheegay in ay qaateen amarkii dhawaan kasoo baxay Xukuumada ee mudada loogu qabtey in ay kaga baxaan dalka, iyadoo ay afar caana-maal ka hadhsan yihiin mudadii loo qabtey in ay kaga baxaan dalka Somaliland,taas oo ay sheegeen in ay cabsi weyn ka qabaan in ay ku sii nagaadaan dalka maadaama ay digniinta noocani tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo Xukuumada Somaliland u jeediso ajaanibka ku sugan gudaha dalka intii ay jirtey.

Tirada dadka Ajaanibka ah ee maanta ka Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa tiradoodu dhamayd shan boqol iyo todobaatan iyo lix qof kuwaas, oo dhamaantood ku gaashaanaa agabkoodii ka yaalay dalka intii ay qaadan karayeen, waxaanay kahor intii aanay ka gudbin xuduuda soo maren Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale, halkaas oo lagaga sii diiwaan galiyay magacyadooda, oo maalin walba laga diiwaan galiyo inta ka ka bexeysa dalka .

Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale C/rashiid Axmed Xasan oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in ay dadka ajaanibka ah e maanta ka talaabay xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan inta soo martey Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ay dhamaayen 576 qof(Shan boqol iyo todobaatan iyo lix qof)taas, oo afar laab ka badan intii shaley ka gudubtay Xuduuda u dhexeysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kale oo Taliyuhu xusay in ay u badnaayen qowmiyada oromada ee dalka Itoobiya kuwaas oo inta hada ka baxay dalku u badan yihiin kuwa shaqooyin kala duduwan ka hayay gudaha  dalka Somaliland.

“Tirada maanta ka gudubtay xuduuda ee ka baxay dalkeenu waa tii ugu badnayd dadkii ajaanibka ahaa ku sugnaa gudaha Somaliland, waxaanay u badan yihiin qowmiyada Oromada ee Dalka Itoobiya, waana dadkii ka shaqeysanayay gudaha dalka oo kuma jiraan wali kuwii dawarsanayay,maalin walba wey gudbayeen waana la diiwaan galiyaa haseyeeshe, maanta ayay ugu badnaayeen”Sidaa waxa yidhi Taliye Xigeenka Laanta Socdaalka Tog-Wajaale.

Waxa ka hadhay hada mudadii ay Xukuumadu u qabatey in ay dadka ajaanibka ahi kaga baxaan Somaliland afar maalmood iyadoo, tan iyo intii amarkani soo baxay ay joogsadeen kumanaan qof oo tahriibayaal itoobiyaan ah oo maalin walba kasoo gudbi jirey xuduuda u dhexeysa labada dal kuwaas oo, qaarkood lasoo qaban jirey qaarna ay ka fakan jireen Ciidanka Booliska Somaliland iyo Laanta Socadaalka ee Xuduuda.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net