AHMIYADDA LA JAAN-QAADKA SOMALILAND EE IS-BEDDELKA TIKNOOLOJIYADA IS-GAADHSIINTA: Gardaadinta Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay iyo Gacan-Qabashada Dawladda

 

Hordhac Kooban

Xilliyadan tiknoolojiyada casriga ah ee ay maanta dunidu marayso waxa socda isbeddelo xidid-siib ah – is-beddelo si togan u saamaynaya nolol-maalmeedka dadweynaha. Waxayse isbeddeladaasi yihiin dhaxal-wareejin la mahadiyay oo qaybaha kala duwan ee nolosha inoo fududaynaya. Waa isbeddelo ku socda xawli iyo xawaare sareeya oo mar walba sidii hirarka badda si isdabo-joog ah u soo labo kacaya.
Wixii maanta cusbaayee laga dabo dhacay ayaa durbadiiba noqonaya calal duugoobay oo la tuurayaa. Wixii maanta la calmadee la deydeyey ayaa beritoba laga dookh-baxayaa oo aan kaamba la odhanaynin.

Bal akhriste, dib u yara milicso telefoonada koorta (mobile phones) marxaladihii ay soo mareen arag ahaan, samays ahaan iyo farsamo ahaanba. Maanta halkay marayaan telefoonada koortu waynu wada og nahay: Koortii ugu horaysa waxa keliya loo adeegsan jiray ku hadal uun. Maantana waxa uu u dhalan-rogmay laab-salaax (smart phones) oo dadkii yar iyo weynba la wada salaaxayo. Dad wada fadhiya oo aan is laba hadlayn ayaad arkaysa oo mid waliba dhiniciisa u fooraro. Halkii laga soo hayaamay iyo halka maanta la marayaa waaba kaaf iyo kala dheeri.

Kobcinta Dhaqaale Xeebeedka – Dhaqaalaha Midab Cireedka (Blue Economy)
Qaaradda Afrika waxay ay leedahay xeeb aad u dheer oo dhereran 30,500 km. 55ka dal ee qaaradda ku yaala, 39 ka mid ah ayaa xeeb leh (71% ku dhowaad ¾ ama 4tii dalba 3 ayaa xeeb leh). Xeebta ugu dheer waxa leh Jasiiradda Madgaskar (4,828 km); ta ugu gaabanna DR Congo (37 km). Afrika waxa ‘edeg-ku-jir-ah’ (landlocked) oo aan xeeb ba lahayn haba yaraatee 16 dal (29%).

Somaliland waxa leedahay xeeb dherekeedu yahay 850 km. Waxa ka xeeb dheer 15 dal oo keliya (38.5%), waxaany ka xeeb dheer tahay 24 dal (61.5%) oo u dhiganta in ku dhow 2/3 (saddex daloolkiiba labo). Marka tiradaasi lagu daro dalalka ‘edeg-ku-jirka-ah’, 40 dal oo Afrika ku yaala ayay Somaliland kaga hodansan tahay xagga xeeb-dheerida (72.7%) taasi oo haddaynu si kale u dhigno u dhiganta ku dhowaad ¾ (afartii daloolba saddex).
Qorshayaasha horumarineed ee caalamka siiba dalalka soo koraya waxa hadda diiradda xoog loo saaraa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo si gaar ah dhaqaalahooda loo kobciyo. Waxa loo curiyaa fikrado horumarineed oo aan hore u soo jiri-jirin (innovative). Erey-bixin cusub ayaa dhaqaalaha badaha loo unkamay si loo gardaadiyo. Waxa loogu wanqalay ‘dhaqaalaha midab cireedka’ (blue economy). Waa xeelad gacan-qabasho iyo dhiiri-gelin gaar ahaaneed oo looga jeedo in aan dhaqaalahaa cusubi curdin-dhadhin oo aanu ku dhex milmin dhaqaalaha guud ee soo jireenka ahaa.

Horumarka Tiknoolojiyada Isghaadsiinta ee Shirkadaha Maxaliga ahi ku Talaabsadeen
Saddex shirkadood oo maxali ah ayaa maanta dalka ka jira: SomTel waxa dhidibada loo taagay 2008dii, TeleSom-na 2002dii, SomCable-na 2009kii. Saddexda shirkadoodba – haba kala badsadaane hana kala horeeyeene – waxay qayb libaax ka qaateen horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland maanta ku naalooto. Sumcad weyn iyo magac meel mar ah ayay Somaliland ku leedahay shirkadaha caalamka ee is-gaadhsiinta. Haybaddaa waxay ku hanateen horumarka ay ku talaabsadeen iyo guulaha ay gaadheen shirkadaheenaa adduunka hormuudka ka ahi.
Haddii aynu si aad u kooban sii faahfaahinno guulahaasi kuwa indhaha soo jiitay waxa ka mid ah:
– Bill Gates (mulkiilaha MicroSoft ahna maal-qabeenka 2aad ee adduun-weynaha) ayaa shirkadda Telesom iyo adeegga Zaad ku xusay hadal uu jeedinayay kuna amaanay shir caalamiya oo ka dhacayay magaalada Boston (USA) 2004tii.
Guddoomiyaha Telesom Abdikarim M. Eid ayaa 2018kii ku guulaystay billad-sanadeedka AfricaCom ku maamuusto laguna dhiiri-geliyo is-gaadhsiinta Afrika. Waa billad-sharafeed huwan marag-kac, magac iyo maamuus caalami ah.

Xawilaadda Lacagaha ee Telefoonada Koorta (mobile phones)
Hawlaha lacago ku diridda/kaydsashada ee telefoonada koortu maanta adduunka way ku faafeen waxayan ku yeesheen dhaqaale kobcin togan. Ogowoo, 11 sanadood ka horna mabay jirin haabkana lagumaba haynin.

Dalalka aanay ka jirin baananku amaba ay ku yar yihiin sida dalkeena, adeeggaasi waxa uu noqday sime dadka oo dhan wada sima – adeeg uu qofkuba kaga maarmi karo inuu baan xisaabeed yeeshaba. Adeeggan koortu waxa uu u fududeeyay lacag diriddii, kaydsashadii iyo biil-bixintii intaba. Qof heleya adeeggaasi ‘asaasiga ahi (basic) muxuu uga baahan yahay baan inuu xisaab ka furto? Addeeggaasi ay koortu ibbo furtayna waxa uu aad u anfacay dadkii aan wax qori karayn oo ka maarmay jeeg qoristiiba.

Adeeggaasi casriga ah waxa adduunka gadhwadeen iyo calan-sideba u noqoday dalka Kenya. Shirkadda is-gaadhsiinta ee SafariCom ayaa sannadkii 2007dii daah-furtay adeegga lacagaha ee M-Pesa. Curad-xigeenkiina waxa uu noqday dalka Somaliland oo sannadkii 2009kii isna baalasha la kala baxay. Shirkadda TeleSom ayaa daaha ka rogtay adeegga Zaad ee manta miyi iyo magaaloba la wada mahadiyay.

Koor-xawilaadda lacaguhu maanta Afrika si qumman ayuu uga hano qaaday. Cilmi-baadhis la soo bandhigay Ogost 2018kii waxa lagu shaaciyay in dadka reer Kenya ay Afrika ku hoggaaminayaan koor xawilaadda lacageed (58.4% oo macanaheedu yahay 10kii qofba, lix ku dhowaad baa adeegsada). Waa la yaabe waxa ku xigta Somaliland (37.1% oo macnaheeda yahay 10kii qofba wax afar ku dhow ayaa adeegsada).

Sida kor ku xusan, adeeggan cusub daah-furkiisa Kenya ayaa curad ka ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Xagga boqolayda (%) isticmaalka dadweynaha dalalka Afrika haddana Kenya ayaa curad ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Waa mucjiso ay Somaliland ku talaabsatay.
Waxa iyana jirta oo xusid u baahan cilmi-baadhis 2014kii si gaar ahaaneed iyana lagu sameeyay isticmaalka ZAADka waxa lagu xaqiijiyay in uu celcelis ahaan qof waliba Somaliland uu adeegsado ZAADka 30 goor bishiiba taasi oo aad uga saraysa isticmaalka adduunka oo wakhtigaasi ahaa 8.5 bishiiba. Taasi waxay muujinaysaa in addeeggaasi meel muddakar ah uu kaga jiro nolosha iyo ganacsiga Somaliland.

Xogahaa kala duwani waxay ka marag-kacayaan sida ay Somaliland uga mudhay dalalka kale ee Afrika iyo adduunka kaleba ee ka dhaqaalaha iyo awoodaha badnaa. Waa xogo muujinaya qaan-gaadhnimada horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland ku talaabsatay. Guulaha la filan karo ee soo socdana, weli fari kama qodna haddii aynaan inagu dawlad iyo shacab ahaan is habran isna hagran.

Fursadaha Dahabiga ah ee Berbera ku Geedaaman
Fursad badan oo dahabi ah ayay Berberi haystaa – waa haddii aynu garanno in aynu goosanno midhahaasi soo laalaada.
Fursadaha is-barkan ee deegaanka Berbera ku suntan yahay haddaynu qaarkood taxno waxay yihiin:

  • Deked dabiici ah oo joog dheer kuna taala goob si quman ugu beegan badhtamaha Somaliland si toos ahna ugu adeegi karta badhtamaha Somalia iyo bariga/koonfurta Ethiopia-ba.
  • Bad dihin oo dheer oo la butaacaysa kaluumo noocya badan oo looga jilaaban karo si fudud -waa haddii si lexe-jeclo leh loo maareeyo jilaabashada kaluunka
    Deked casriya oo la balaadhinayo oo tartan adag la geli doonta dekedaha gobolka ku yaala
  • Garoon diyaaradeed oo aad u dheer
  • Marinka Berbera (Berbera Corridor)

Xogo ku saabsaan garoonka Berbera: Xagga dhererka dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan, garoonka Berberi waxa uu cidhiidhsaday kaalinta 11aad madaarada Afrika kuwa ugu dhabbaha (runway) dheer. Gobolka Geeska iyo Bariga Afrikana, Garoonka Bole (Addis Ababa) ayaa ugu dhabbo dheer (4,725m), Berberina kaalinta 2aad ayay ku jirta (4,140m). Waa kaalin mug leh oo ay Berberi ku guulaysatay.

Xuddun-xidhka Xadhkaha Fiber Optic-ga (Fiber Optic Cable Termination Station)
Waxaynu ka wada war qabnaa in aanay Somaliland lahayn xuddin-xidhka xadhkaha (Cable Termination Station) ee Fiber Optic-ga badaha hoos mara. Adeeggaasi lagama maarmaanka u ah horumarka iyo koboca dhaqaalaheena waxa la inooga soo talaalaa dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay. Waxase dhowaan inagu soo fool leh fursado la xidhiidha xuddin-xidhka xadhkahaasi oo u baahan in aynu isha ku hayno si xilkasnimo iyo wadanimoba lehna dalka iyo dadkaba looga faa’iideeyo. Waa fursad ahmiyaddeeda leh oo ah and guud oo aan la yaraysan karin.

Xadhigga badda-hoos-maraha ah (subsea cable) ee loogu wan-qalay magaca DARE (Djibouti Africa Regional Express) waxa uu badda hoosteeda daadsan yahay 5,400 km. Sida ku cad khariidadda, waxa loogu talo galay in uu isku xidho marsooyinka Geeska iyo Bariga Africa ee kala ah Djibouti-Berbera-Bossasso-Mogadishu-Mombasa (Dar es Salaam-na waa la hadal hayaa).

Lahaanshaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) waxa uu udub-dhexaad u yahay jiritaankeena dalnimo iyo qarannimo. Waxa uu lagama maarmaan u yahay koboceena dhaqaale, difaaca dalkeena, ganacsigeena iyo xidhiidhadeena caalamiga ah.

Xuddun-xidhku waa arrin khuseeya nabadgelyada guud ee waddanka (National Security Issue). Sida aan ciidmada aminga dalna uga maarmin, dal bad lihina sina ugama maarmo inuu yeesho xuddun-xidh uu si madaxbanaan oo aanu cidna marti uga noqon maamulidda danihiisa istraatijiyadeed. Dalna dal kale si kasta ha u lahaadaan xidhiidh sokeeye ehe uma dabo fadhiisto nabadgelyadiisa. Xuddun-xidhkuna maanta waxa uu noqday arrin amniga qawmiga ah si toosa ah u saameeya.

Haddii aynu daacad ka nahay higsiga dalkeena ee taabanaya dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo haybaddaba, Somaliland waa in ay yeelato xuddun-xidh u gaar ah. Sina ugama maaranto. Geel jire geela waanu wada jirtaa, waanuu kala jirtaa.

Gunaanad
Horumar isgaadhsiineed (telecommunication) oo uu caalmaku majiirto ayay Somalilandta ku talaabsatay – waa Laandta curdinka ah ee aan caalamka cidina ka gardaadini, cidina aanay gacan qabani. Waa horumar lagu sheego mucjiso iyo u-qaadan waa uu dal aan aqoonsi haysani kaga roonaaday dalal ka dhaqaale iyo aqoonba badan.

Koboca dhaqaalaha dalkeenu (iyo kan dalalka kaleba) sina ugama maarmi karo horumarka is-gaadhsiinta. Horumarkaasina isna kama maarmo xadhkaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) la soo qotonsho dekeddeena Berbera. Sina uguma haqab-beelayno xuddun-xidh aan edeggeena ku jirin oo aynaan si buuxda uga talin dal ahaan. Horaa loo yidhi ‘biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa’.

Shirkado, shacab iyo xukuumadba waxaan ku boorinayaa in si wada jir ah looga hawl galo sidii ay Somaliland u yeelan lahayd xuddun-xidhka xadhkaha fiber optic-ga ah oo ay hantideeda iyo taladeedaba leedahay. Waxaan qabaa haddii ay Berberi isku darsato casriyeeynta/weenaynta dekadeeda, marinka Berbera (Berbera Corridor) iyo xuddunta xadhigga fiber optic-ga inay noqon doonto deked la tartanta dekedaha ku yaala marin-badeedka Geeska iyo Bariga Afrika.

Danta guud ee dalkeenu waxay ku jirtaa in guntiga loo wada xidho sidii loo hanan lahaa xuddun-xidhista Berbera. Higsigeena koboc-dhaqaaleed iyo horumarineed ayaan sinaba uga maarmin. Horumarka aynu dal ahaan higsanayno ayaa rumoobi lahaa haddii aynu ka faa’iidaysano fursadaha inagu xeeran.

Shirkadaha is-gaadhsiineed ee gaarka loo leeyahay si xilkasnimo leh ayay u gardaadiyeen horumarinta tiknoolojiyadda ee Laanta. Magac iyo manfac ba dalka way inoo soo hooyeen. Maanta waxa loo baahan yahay dawlad u hiilisa – dawalad daadihisa oo gacan qabata si guulahaasi aanay u xagal daacin. Waxay u baahan yihiin HIIL QARAN!!

Dardaarankaygu waa danta guud ha laga hormariyo danaha gaarka ah. Berbera garba-duub xidhnaanta aan ka dayno. Aan u wada gurmanno hiil bay inooga baahan tahaye. Ilaahaw labo taloba tii roon.

Wa bilLaahi tawfiiq.

Qalinkii: Mohamed Hussein KHAN
Stockholm, Sweden
Email: mohamedali2020@hotmail.com