Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Warfaafinta Somaliland oo maanta la sii daayey

agaasime xasanHargeysa (SLpost)- Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xasan Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa, kaddib markii uu muddo afar maalmood ah u xidhnaa eedo musuq-maasuq oo loo haysto.

 

Agaasime Xasan ayaa Ciidammada amnigu xabsiga u taxaabeen todobaadkii hore, ka dib markii sida la sheegay Hanti-dhowrka Qaranka oo baadhitaan ka waday Wasaaradda Warfaafintu codsaday in la xidho, isaga iyo Agaasimihii guud ee Wasaaraddaasi oo dhawaan iscasilay.

 

Mr Xasan oo noqonaya masuulkii labaad ee eedaymo musuq-maasuq loo xidho, ayaa muddadaas ku xidhnaa Xarunta Ciidamada Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in Dammaanad lagu sii daayey maanta.

 

Waxa sidan oo kale Damaanad lagu siidaayey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Xuseen Warsame oo duruufo caafimaad isaga casilay xilkaas laba maalmood ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin.

 

Xorriyad-u-soo-celinta Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee wasaaradda, ayaa ku soo beegmaya xilli Xeer ilaalinta Somaliland ay hor-yaallaan dacwado musuq-maasuq oo ka dhan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaan-dhigga.

 

Si kastaba ha ahaatee, Xeerka la-dagaalanka musuq-maasuqa ma oggola in la sii daayo qof kasta oo u xidhan eedo musuq-maasuq oo loo haysto haddii aan Maxkamad horteed laga caddeyn dambiga loo haysto.

 

Somalilandpost News