Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Oo Muxuu Ka Yidhi Inuu Saluugay Xilka Loo Magacaabay

Hargeysa (SL.Post) Agaasimihii guud ee Wasaarada arrimaha guddaha Somaliland Ambasadoor Cabdifataax Siciid Axmed oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Agaasimaha dawladdaha hoose, ayaa markii horaysay ka hadlay inuu saluugsan yahay xilkan cusub ee loo igmaday.

 

 

Agaasime Cabdifataax waxa kale oo uu sheegay inuu xilku meerto yahay, islamarkaana aanay jirin qof ku nagaanaya mar kasta masuuliyada uu hayo, balse waxa uu xusay inuu ku qanacsan yahay xilkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay.

 

 

 

“Su’aashaa waxaan ka odhan lahaa inaan ahay Madaxweynaha iyo Xukuumadda cida ugu dhawdhaw imika  inaan ahay, dee kolay  bini’aadamigu hadduu iska jiro waxa laga yaabaa  mararka qaarkood tabasho inay iska timaado , taasina waxa qofka ku dhici karta waxay noqon karaysaa  oo qancinteeda iyo hawsheeda wey dhacdaa. Wararka lagu qoray Mareegaha iyo Facebooka wax ka jiraa ma jiro, waxaan anigu u arkaa inay been abuur ahayd .”  ayuu yidhi Ambasadoor Cabdifataax Siciid Axmed

 

 

 

 

Agaasimaha cusub ee dawlddaha hoose ee Wasaarada arrimaha guddaha Cabdifataax Siciid Axmed “Qof waliba wakhti buu leeyahay inta uu meesha joogay iyo wuxuu qabtay, kolay anigu weligay ma joogayo halkan, qofna waligii ma joogayo oo xilku waa meerto. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa iman doonta inaan ka tegi doono, ama wakhtigu ha dhamaado ama si kaleba ha noqotee, laakiin aad baan ugu qanacsanahay xilkan aan imika hayo.” ayuu yidhi Agaasimaha cusub ee dawladdaha hoose

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa