Agaasimeyaal ka tirsan Wasaarada Warfaafinta oo Been abuur ku tilmaamay inay Is-casilayaan

Hargeysa (SLpost)- Afar Agaasime-waaxeed oo tirsan wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta, ayaa gaashaanka ku dhuftay war warbaahinta qaarkeeda baahisay oo sheegayay inay is casilayaan, waxaanay jeediyeen inaan laga been abuuran iyaga haddii ay ku socdaan  Cid khilaaf ka dhexeeyo.

Agaasimeyaashaasi waxay Sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah shalay u qabteen, waxaanay sheegeen inay la shaqaynayaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Md. Boobe Yuusuf Ducaale.

KA BILOW BIDIX: Dhuxul, Ina Saleebaan Weyne, Gaas iyo Sayid

Guddoomiyaha Dawan Media Group Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan waxaanu arrintaasi ku sifeeyay been abuur, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Saaka (shalay subax) oo Salaasa ah oo taariikhdu tahay 31-ka Bisha July waxa Wargeyska Haatuf cadadkiisii maanta (Shalay) ee 1433 ku soo baxay war sheegaya inay is casilayaan afar agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaarada warfaafinta. Agaasimeyaashaasi oo kala ah Anigoo ah Guddoomiyaha Dawan Media Group, Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha Farsamada Axmed Saleebaan Weyne, Wakiilka TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas inkasta oo magaciisa la khalday oo lagu qoray nin Weriye ah oo TV-ga ka shaqeeya oo la yidhaahdo Cabdilaahi Maxamed Cali oo shalay uun dalka yimid. Warka caynkaas ah, runtii arrintaasi waxay nagu noqotay mid aad u yaab badan. Waayo ma jirto meel aanu ku qabanay, mana jirto meel aanu ku nidhi waanu is casilaynaa, mana jirto cid aanu u sheegnay oo aanu ku nidhi shaqo ayaanu ka tagaynaa. Waa gef cad oo anaga nalaga galay iyo gef laga galay shaqada aanu qaranka u haynay.” Waxa uu intaas ku daray, “Warkan been abuurka ah waanu ka raali-gelinaynaa Wasiirka warfaafinta waxaanan leenahay warkani ma aha mid anaga nalaga soo xigtay. Waana war been abuur ah oo aanay waxba ka jirin. Waxa la odhan jiray labaatan jir Mudug jooga ALLE uma xil qarin, waxaan leeyahay wasaarada warfaafinta qof ka shaqaynaya ALLE uma xil qarin oo waxeenii oo dhan waxa lagu hayaa suuqa. Sabab aanu isu casilaa ma jirto shaqada qaranka maalinta naloo garan waayana waa meesheeda.”

Maxamed Cismaan Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Arrintaas iyada ah aad baanu uga xun nahay, wargeyskana waxaanu kula tallin lahayn inaanu anaga (Agaasimeyaasha waaxaha) salaam nooga dhigan haddii ay cid is hayaan, waayo ma jirto cid aanu u sheegnay waanu is casilaynaa oo nalaga soo xigtay. Agaasimeyaashii waa kuwan halkan wada fadhiya markii aanu is waraysanay ee arrintii aanu dhinac walba ka eegnay waxay noogu muuqatay waxaan meesha qaban inay tahay.”

Agaasimaha waaxda Farsamada ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Saleebaan Weyne oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa war been abuur ah oo la soo dhoodhoobay ku tilmaamay warka laga baahiyey, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Warkan sheegaya inaanu is casilayno waa war been abuur ah, mana jirto anagana nalagama soo xigan. Waxaanu u aragnaa in naloo badheedhay oo sharaftayadii iyo cirdigayagiiba wax loo dhimay.” Waxa kale oo hadalkiisii ka mid ahaa, “Ha’yada Hanti-dhawrku waa Ha’yad dawli ah waanu soo dhawaynaynaa haddii aanu nahay masuuliyiinta wasaarada warfaafinta. Ta labaad anagu ma lihin awood aanu ku dalbano in Hanti dhawr la geliyo Wasaarada warfaafinta.”

Agaasimaha Telefishanka qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa isaguna sheegay inay nidar ku marayaan inay u adeegayaan bulshada iyo shaqada qaranka, waxaanu waxba kama jiraan ku sifeeyay warka sheegaya inay is casilayaan. “Waxaanu leenahay wasaarada warfaafinta iyo qaranka dhismihiisaba anagu diyaar ayaanu u nahay, waana aanu ugu adeegaynaa wixii xirfadayada iyo aqoontayada ah. Waxaanu diyaar u nahay inaanu la shaqayno wasiirka wasaarada warfaafinta oo aanu u noqono baalashiisii. Anagu warkan maanu bixin nalagamana soo xigan. Warkani waa been abuur iyo malo-awaal,”ayuu yidhi Agaasimaha Telefishanka qaranku.

Mr. Dhuxul wuxuu intaasi ku daray, “Anagu halkaa ay leeyihiin waxay nidar ku galeen inay shaqada iska casilaan waxaanu nidar ku maraynaa inaanu shaqada qaranka wadno oo u adeegno. Mana jirto cid aanu uga tagayno iyo cid aanu uga cadhoonaynaaba. Laakiin wixii shaqada xumaynaya waanu ka soo horjeednaa ee cashuurta islaamaha laga soo ururiyay ee dhiigga ummadda ah cunaya.”

Wakiilka TV-ga Qaranka ee Yurub Khadar Xasan Cali Gaas, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay inay la yaabeen warka sheegaya inay is casilayaan, “Waxaanu ka hortagayno oo aanu diidanahayna ma jirto, waxa warka Haatuf khaladkiisa ku tusaysa magacaygii waa la khalday oo nin weriye ah oo Cabdilaahi la yidhaahdo ayaa lagu qoray agaasimaha TV-ga qaranka ee Yurub. Ma jirto meel aanu ku shirnay oo aanu ku go’aansanay inaanu is casilno. Waxa kale oo aan halkan ka cadaynaynaa inaanaan lahayn awood aanu hanta dhawr wasaarada ugu yeedhno, waxase aanu ku khasban nahay in Ha’yad kasta oo dawliya oo timaada la shaqayno,”ayuu yidhi Khadar Xasan Cali.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net