Agaasime-Waaxeed Xukuumadda ka tirsan oo shaaciyey inuu u sharraxan yahay Hoggaanka Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay soo kordhayaan siyaasiyiinta damacu ka hayo hoggaaminta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxa maanta ku dhawaaqay inuu murashax u yahay hoggaanka  Kulmiye Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo ah Agaasimaha Maamulka ee Komishanka Heer Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDs.

Cabdikariim Xinif oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu shaaciyey inuu u taagan yahay jagada Guddoomiy ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye oo masuulkii Jagadaas hayay u ruqaansaday inuu isku sharraxo Guddoomiyaha Xisbiga.

Cabdikariin-xinif“Anigu guddoomiye uma taagni, musharax guddoomiye ku xigeen 1-aad ayaan ahay, damacani wakhti dheer ayuu igu jiray haddana ma jeclayn meel Maxamed Kaahin fadhiyo inaan u tartamo, markii uu guddoomiye ku xigeenka imanayeyna waxaan ka mid ahaa raggii ololaha u galay,”ayuu yidhi Cabdikariim Xinif, waxaanu intaas ku ladhay hadalkiisa, “Waxaan ahay xubin ka mid ah guddida golaha dhexe ee xisbiga, wax kale idinkuma yeedhin hankayga ama damacayga siyaasadeed oo ah inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, maadaama guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbigu cadeeyey in uu u taagan yahay, musharax guddoomiye iyo musharax madaxweyne.”

Agaasimaha Maamulka lacagta ee Komishanka Xakamaynta Cudurka HIV/AIDs, waxa uu ku dooday in damaciisa siyaasadeed ee hoggaanka Kulmiye uu wakhtigan ula Muuqdo Fursad mudan inuu ka faa’idaysto, “Jaanisku mar buu soo maraa, jaanis isoo maray oo wakhtigiisii taagan ayaan u arkaa, markaa waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan musharax u ahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga, kaasi oo aan rajaynayo ergooyinka shirweynaha xisbiga imanayaa igu taageeraan,” ayuu yidhi.

Agaasime Xinif ayaa noqonaya masuulkii labaad ee xukuumadda ka tirsan ee shaaciyey inuu u tartamayo hoggaanka xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirweynaha xisbigaas oo la qosheeyey inuu qabsoomo bisha saddexaad ee sannadkan, in kasta oo masuul shalay xisbigaas u hadlay uu daboolka ka qaaday dib-u-dhac ku iman kara qabsoomiddiisa.

Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Maaliyadda Somaliland, ayaa todobaadkan ku dhawaaqay inuu u taagan yahya guddoomiynimada Xisbiga talada haya ee Kulmiye isla markaana uu kula loolami doono guddoomiyaha wakhtigan talada haya ee Muuse Biixi Cabdi.

SOMALILANDPOST.NET