Agaasimaha Tv-ga Universal Ee Somaliland Oo Raali Galin Ka Bixiyay Aflagaadadii Uu Kula Kacay Dhawaan Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda +Dhageyso

Hargeysa (SLPOST) Agaasimaha Tv-ga Universal Somaliland Max,ed Caabi ayaa manta raaligalin ka bixiyay barnaamij uu xafiiskoodda muqdisho soo diyaariyay 26kii bishan kaas oo lamagac baxay faaliyaha Qaranka.

universal-agaasimaha-3

Agaasime Caabi ayaa warsaxaafadeedkiisu ku yidhi waxaan raaligalin ka bixinyaa barnaamijkaa faaliyaha qaranka oo uu sii daayay TV-gu dhawaan

Agaasime caabi yaa sheegay in uu barnaamijkaa ahaa ahaa mid ka baxsan mihinada saxaafadda kaas oo ahaa wasiiradii lasocday safarkii madaxweynaha ee dhawaantan ku tagay galbeedka iyo bariga soomaaliland taas oo ay xubno ka mida wasiiradaa galeen shil ayaa Tv-gu ku sheegay in uu saqraansanaa wasiirka warfaafinta oo ka mid ahaa masuuliyiintii gaadiidkoodu isku dhacay –

Halkan Ka Dhageyso

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland