Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka oo ka hadlay dacwad ka dhan ah Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay u gudbiyeen Xeer Ilaalinta Guud

Hargeysa, 13 March 2012(SLpost)- Wasaarada Deegaanka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee qaranka u gudbisay dacwan ka dhan ah Dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa.

 Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Somaliland Maxmed Faarax Xirsi ayaa maanta shaaciyey in ay Xafiiska xeer ilaalinta u gudbiyeen dacwad ka dhan ah dawlada hoose taasi oo xidhiidh la leh  38 geed  oo ay dawladda Hoose sifo sharci daro ah ugu jartay hawl-gallada ay ka waddo gudaha magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Xeer ilaalinta ka dalbeen in loo furo gal-dacwadeed ka dhan ah dawlaha hoose isla markaasna ay dalbadeen ganaax ku saabsan dhirtaasi qoyanad ee ay dawladda hoose Gumaaday. Arimahaasina waxa uu Md. Maxamed Faarax Xirsi kaga hadlay mark uu maanta xafiiskiisa ugu waramayey qaar ka mid ah warbaahinta dalka isagoo arrimaha ka hadlayan waxa uu yidhi, “Waxaanu Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka gaadhsiinay warqad aanu kaga dalbanayno in ay dacwad noo furo, arintaasi si ay dadka kalena ugu cimro qaataan, waxanaaanu dalbanayn in Xeerka Deegaanka ee dalka u yaala la waa fajiyo cidii dhibta dhirtaasi ka gudaaday gaysatay.”ayuu yidhi Agaasimaha wasaaradda degaanka Somaliland Maxamed Faarax Xirsi

Agaasimuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey “Hadda waxaanu dalbanaynaa maaha magdhow ee waa ganaax laga qaado cidii dambigaasi gashay, waxa taasi cadnayey xeerka deegaanka, waxan aanu rabtaa in dawlada hoose ee Hargeysa lagu fuliyo ganaaxaasi iyo xadhig wixii xeerku dhigayo. Ta aanu xeer ilaalinta Guud ka dalbanayen waa taas.”

Dhacdadani ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee laba hay’adood oo Qaranka Somaliland ka tirsani ay Maxkamadd isla tiigsaddaan tan iyo intii ay Xukuumadda Siilaanyo talada dalka la wareegtay.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland