Agaasimaha Guud ee Daakhiliga oo Xilka u kala wareejiyey Badhasaabkii hore iyo Kane e Cusub ee gobolka Gabiley

Gabiley, 15 January, 2012 (SLpost)- Badhasaabka cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Gebilay ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay badhasaabkii hore ee dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xilka ka qaaday.
Munaasibadda xil wareejinta ayaa waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xuseen Cabdilaahi Cige (Balaaki), Maayarka Magaalada Gebilay Khadra Xaaji Gaydh, Gudoomiyayaasha degmooyinka hoos taga gobolkaas iyo marti sharaf kale.
Mudane Cali Aaden Meecaad oo ahaa badhasaabka xilka wareejinayay oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii u hirgalay mudadii uu xilka hayay waxaanu xusay in baahi weyn loo qabo sidii dhinac looga soo wada jeedi lahaa ilaalinta nabadgalyada isagoo u soo jeediyay shaqaalaha iyo madaxda kale ee gobolku inay si ka wanaagsan sidiisii ay ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub.

Badhasaabka Cusub ee Gabiley

Sidoo kale Badhasaabka Cusub ee Gobolka Gebilay Mudane Xuseen Cumar Magan oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay sida uu Gudoomiyihii hore xilka ugu wareejiyay waxaanu balanqaaday in intii awoodiisa ah aanu waxba kala hagran doonaan wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee Gobolka isla markaana uu mas’uuliyad iska saari doono wax kastoo la xidhiidha horumarka iyo socodsiinta maamulka dawladeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xuseen C,laahi Cige Balaaki ayaa sheegay inay tahay sunaha dawladeed in qofka xilka laga qaadi karo si taas badalkeeda loo helo cid la bido inay ka firfircoon tahay waxaanu Agaasimaha Guud u mahadceliyay gudoomiyihii hore mudadii uu qarankiisa u shaqaynayay, isagoo u ilaahay uga baryay inuu gudoomiyaha cusub u fududeeyo mas’uuliyada balaadhan ee garbaha loo sudhay.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay Maayarka Magaalada Gebilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo mas’uuliyiin kale .

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net