Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Xilka la wareegay

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha ee amniga iyo maamulka gobolada ayaa maanta xilkii u kala wareejiyey ku simihii  Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo Agaasimaha cusub dhawaan u magacaabay Madaxwaynaha JSL .

Xaflada xilwareejinta oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaarada Amuuraha Gudaha waxa ka soo qayb galay Taliyaha ciidanka difaaca iyo ilaalada xeebaha, maayir ku xigeenka caasimada hargeisa, agaasimayaasha  waxyaaha kala duwan   ee  shaqaalaha iyo wasaaradaasi.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Isla markaana ah Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Wasaaradaasi Maxamed Cismaan Dube oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay Guud ahaan shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Gudaha oo uu ku sheegay Laba Boqol iyo Lix iyo Sodon hawl wadeen,waxaa kale oo uu Agaasimahani u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed  Maxamed Maxamud Siilaanyo,oo dhalinyarada ka qayb galiyay saaxada siyaasada Somaliland .

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si daacadnimo iyo hufnaani ka muuqato u gudan doono hawlaha xasaasiga ah ee Wasaaradani u xilsaaran tahay,Waxaanu ka dalbaday shaqaalaha wasaarada inay si wadajir ah ula hawl galaan.

Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada Arrimaha Gudaha C.laahi Abokor Cismaan oo faahfaahin ka bixiyay Waaxyaha ay Wasaaradani ka kooban tahay,isagoo sheegay in Wasaaradani ay ku xidhan yihiin Ciidanka Booliska,Ilaalada Xeebaha, Maamulka 13-ka Gobol ee Somaliland ka kooban tahay iyo Guud ahaan Degmooyinka dalka,Wasiir ku xigeenka Amnigu waxa uu intaas ku daray inay u balan qaadayaan Agaasimaha Guud ee Cusub inay ka gacan siiyaan Gudashada Waajibaadka loo soo igmaday .

Wasiir ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Gobolada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxweynuhu u soo magacaabo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi qof dhalinyaro ah isla markaana ay ka muuqato firfircooni, Waxaanu eebe uga baryay inuu ku soo asturo Xilkaas Culus ee loo soo igmaday. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Maayar ku xigeenka Caasimada hargaysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Agaasimahan Cusub ee maanta xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha la wareegay, ayaa madaxweyne Siilaanyo todobaadkii hore magacaabay ka dib markii Agaasimihii hore ee wasaaraddaas loo magacaabay Axmed Cumar Faahiye uu xilka wasaaraddaas uga cudur-daartay inaanu sababo caafimaad awgeed shaqadaas loo igmaday u sii wadi karin.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net