Agaasimaha Cusub ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Xilka kala wareegay Agaasimihii hore iyo Jewigii Munaasibadda

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, Nuux Maxamed Xuseen, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha Cusub ee Guddiga Qandaraasyada, Maxamed Axmed Xasan iyo Axmed Cabdirisaaq Diiriye.

Agaasimihii Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) ayaa dhowaan loo beddelay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee hay’adda Duulista Hawada, halka Agaasimaha Guud ee maanta xilka laga wareegay Axmed Cabdirisaaq Diiriye uu ka mid yahay masuuliyiin xilalka ku cusub oo madaxweyne Muuse Biixi magacaabay 20-kii bishan January.

Munaasibad loo qabtay xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxa ka Qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shaqaalaha ka hawl-gala hay’addaas iyo Marti-sharaf kale.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Faahfaahinta Warkan