Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Shacbiga U Soo Jeediyay Inay Ka Faa’idaystaan Dhakhatiir Sare oo Masar Ka Imanaaya

Hargeysa(SLpost)-Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr.Axmed Cumar Askar ayaa  dadweynaha u soo bandhigay dhakhaatiir masaari ah oo dalka ku soo fool leh kuwaas oo leh takhasusyo kala duwan, kana imanaaya dalka Masar.

waxa uu agaasimahu sheegay in bari ay bilaabi doonaan diiwaangalinta bukaanada  la kulmi doono dhakhaatiirtan oo u badan qaliinada kala duwan “Waxaan diyaarinaynaa dhakhaatiir ina soo gaadhaysa hawlgal ay ka galayaan cisbitaalka, waxay dhakhaatiirtaasi inooga imanayaan dalka aynu walaalaha nahay ee Masar, waxay leeyihiin takhasusyo kala duwan oo waxa ka mid ah qalniinka guud, qaliinada iyo daawooyinka cudurada dumarka, qaliinada cunaha,sanka iyo dhagaha, daawaynta guud iyo qaliinka lafaha, waxay halkan shaqada ka bilaabi doonaan 5-9-2015,waxa ay diiwaangalintu ka bilaabmaysaa qaybta bukaan socodka ee cisbitaalka guud ee Hargeysa. waxay ay joogayaan dhakhaatiirtaasi mudo 15 maalmood ah ugu yaraan markaas waxaan soo jeedinaynaa in laga faa’idaysto.”