Afti Madaxbanaani iyo Ka Sii Mid Ahaanshaha Dalka Sudan Oo Gobalka Dagaaladu Aafeeyeen Ee Daafur Looga Dareeray

Sudan(Slpost)-Gobolka Darfur ee ku yaalla galbeedka Sudan ayaa waxaa maanta ka bilaabmeysa afti ay dadkiisa u qaadayaan inuu sii ahaado shanta qeybood uu hadda yahay, ama inuu noqdo gobol maamul qura leh.

daafur

Codbixinta maanta ayaa qeyb ka ah hannaanka nabadeed ee ay xooggaga mucaaradka ku doonayaan ismaamul goboleed siyaasad ahaan ka madax bannaan dowladda Khartuum.

Balse waxaa walaac laga muujinayaa kalsoonida lagu qabi karo aftida, maadaama ay dagaalo ka socdaan qeybo ka mid ah Darfur, isla markaana aan la diiwaangelin boqolaal kun oo dad barakacayaal ah.

Balse madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir – oo ay doon-dooneyso maxkamada caalamiga ah ee dembiyada- ayaa ku adkeystay in afti xor ah ay ka dhacayso gobolkaasi.

Aftidan ayaa waxaa go’aan looga gaarayaa mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Darfur, ka dib 13 sano oo uu halkaasi ka socday dagaal wajiyo badan lahaa, ayna ku dhinteen dad lagu qiyaasay 300,000 oo qof.

Xooggaga mucaaradka ayaa muddo dheer dalbanayay in awood goboleed la siiyo si meesha looga saaro faragalinta ay xukuumadda Khartuum ku hayso arrinta lahaanshaha dhulka ee gobolkaasi.

Balse kooxihii marka hore doonayay aftidan ayay hadda u badan tahay in ay qaadacaan, ayaga oo sheegaya in aanay si madax bannaan ku dhici doonin.

Mareykanka ayaa sidoo kale walaac noocaasi ah muujiyay, waxaana uu sheegay in aftidan aan loo tixgalin karin mid cadaalad ku dhacaysa, ayna wax u dhimi doonto hannaanka lagu xasilinayo Darfur.

In ka badan laba iyo bar milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan gudaha Darfur, waxaana dad ka badan boqol kun ay guryahooda uga qaxeen dagaalo soo cusboonaaday sanadkan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Madaxweyne Al-Bashir ayaa sheegay in barakacayaasha ay codkooda ka dhiiban doonaan aftida, balse xooggaga mucaaradka ayaa sheegaya in dadkaasi aan la diiwaangelin.